Ima Khawaysiin

Gabaygan oo ay intan oo keliyi iga soo gaadhey waxaa tiriyey
Cali Dhuux.
Sida ka muuqatana wuxuu ka mid yahay gabayadii badnaa ee uu Sayid maxamed Cabdulle Xasan u tiriyey.

Waxaase aad iiga yaabiyey oo iguna kellifey in aan saddexdan meeris soo qaato, intii aan maanso maqlaayey weli ma aan arag cid xarafka (kh) ka maansootay, kan mooyaane.


Haddii aan khadda’ay waagii hore khoofay dabadeed eh
Khamri ima cabsiin Maxammed-waal sidatan reer khayr eh
Sida culimaduu khumuska baray ima khawaysiin eh.

Fadlan gabaygan hadaad hayso inta dhiman nala soo wadaag mahadsanid

Facebook: Murti Academy
Email:Β [email protected]
Phone Number: +252634074575 +252906324144

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo