Gabaygii: Ilbaxnimo

Gabaygan waxa tiriyey Alla ha u naxariistee Xasan Xayle, xilliyadii waxa ilbaxnimada  la moodo inoogu horreysey 1929, dumarkuna bilaabeen socod xumada, ragguna bilaaabay Balwadda, , ayna soo baxeen Raadiyeyaashu, wuxu yidhi isagoo ku hal qabsanaya nin isaguna gabyaa ahaa oo Jaamac Maxamed Samakaab la odhan jirey,sidan :

Beryahan Jaamacow gabaygu waa iga jihaasnaaye.
Waa taan ka jeestaye wax igu jeediyaa yimiye
Qof jawaabay meel dheer beryuu juuq dhegeysadaye
Jibaal kula hadlaayaan qofkii joogey la arkaynin
Oo saacaddaa jaahisoo meesha kula jooga
Oo odhan 
Japan iyo dhul baan jaadhe ka hayaaye
Maxaa laga jeclaadaa qalbigu Jaamacow socoye

Wiil labaatan jira oo jigraar, waalidkii jalaya
Oo culimadii jaarka iyo ehelka jiidhaaya
Oo 
baarka laga jaaso iyo jooga meel karaha
Oo
 jiinka gaaladu cabtiyo biirka jebinaaya
Oo Magallo jaankeeda iyo Cadan ka jaacleeya
Allayelehe jidkii waa ka baxay jaaniska lahaaye
Maxaa laga jeclaadaa qalbigu Jaamacow socoye

Naagaha ku jiidhaaya aan jaaha qarinaynin
Oo weliba kugu joogsadoo kula jalbeebaaya
Oo ay jawaabtoodu tahay jaanta ila raaca
Shaydaamadii jahanamaa jeegadow lulaye
Allaylehe xilkii waa jareen jawharta ahaaye
Maxaa laga jeclaadaa qalbigu Jaamacow socoye

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Ururintii & tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo