Gabaygii: Il kala qaad
Gabaygan Xasan Xayle wuxu tiriyey xilligii dabaysha xornimadu bilaabantay , waxana uu maqlay heestii ahayd “ sida qaalin geel ama qayl dameer yaan layna soo qaban, nafta waala quudhaa “, waxana uu yidhi sidan :
Ingiriis qunbaa lagaga xidhay qaaraddoo idile
Qaybtii Hindiya kama degaan qaraflayaashiiye
Qaramoobe reer Pakistan waxay qaleyaanba
Jinaax qaadey madaxweynihii ugu qabweynaaye
Masar qaabil iyo toos markay weerar ugu qaadday
Ay qiiradoodii arkeen qaansadiyo leebka
Qurux ugama guurine naftay kala qammaadeene
Qoorkii Suweysiyo ka carar Niilkii Qaahira e
Cid weliba qax bay tiri ninkii qaa”inka ahaaye
Hadduu qoobaddeennii yarayd qool la roor yahaye
Faransiis Lubnaantuu qabsaday kama qadeeyaane
Qalalaasihii kaga dhacuu qawda la hayaaye
Qanac buu ka joogsaday dhulkii qaaliga ahaaye
Waa kaa Jabuuti u qulqulay qubanihiisiiye
Qoladeenna Soomaaliyeed waa la qoonsadaye
Qori qori ku taag bayna diley xaajo qaamuda e
Xalay baan qawaankii cirkiyo eegay qamarkiiye
Xiddigii qalloocnaan jiraa soo qamaatiyaye
Teer iyo qiyaamaha nasrigu wayna qaabiliye
Sida uu Quraankii alliyo qiray rasuulkeennu
Wax la yidhi Islaamkaa qawiya qiilna waa heliye
Qoortaa la jebin gaaladii qudhunka weyneyde
Nafta quudha nuurkii xornimo waa il kala qaade
Sida qaalin geel iyo gammaan yaan naloo qabane
Qoomow kacaay taladu yey qoonsimaad noqone….
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Ururintii & tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed