Noloshiisa inteeda badan, Ismaaciil Mire, waxa uu ahaan jirey Darwiish. Intaas uu darwiishka ahaa, shuqul magaalo iyo sida loogu dhaqmo dhegtuu kala socdo mooyaane, wuu ka indho la’aa.
Mar baa se jirtey taariikhda gashay oo uu Ismaaciil u safarsaday adhi magaalada Burco. Gabaygan soo socdaana taas ayuu ku saabsan yahay.

Maalintii uu Ismaaciil Adhiga Burco u ka xaynaayey ayaa dad deriskiisa ihi adhi u sii dhiibteen, kulana ballameen waxa uu gooyo in uu ugu soo gado raashin iyo waxyaale kale oo oo miyiga looga bahanaa. Ismaaciil markuu Burco galay ee u hoydey, ayuu salaaddii adhigii uu wadey kula kallahay sayladda xoolaha.

Muddo yar dabadeedna dillaaliin ayuu kula heshiiyey in ay adhiga u iibiyaan. Dabadeed dilaaliintii ayaa arkay in uu Ismaaciil ka dhego xidhan yahay shuqulka wax loo iibsado, dabadeed dilaaliinti waxay ku heshiiyeen in Odayga la dhaco. Markaa lacag yar oo uu Ismaaciilba qawedey taas oo aan u dhigmin adhigii ayaa layidhi qaado.

Reerii uu u safray markii uu ku soo laabtay isaga oo fara madhan, ayaa dadkii xoolaha lahaa Isamaaciil ka waraysteen xoolii halkay mareen, markaa isagoo ka waramaya waxa laga filayo iyo waxa uu sidaa siday u kala fogyihiin, ayuu gabaygan yaabka iyo qoslkabaleh curiyey.

Gabayga hadii aan si kale u idhaa halay saxo, anuu sidaan u maqlay waa sidan.

Nimanyahow awow iyo awow iyo abkaan sheegto
iyo aniga abidkay ma arag iibsi lacageede
Adduun buu lahaan jirey raaggaan ka isirraa waaye
Ololahaan wax kaga qaybsan jirey ululuf duullaane
mar uun baan amaamuday waxaan aabahay faline
afar waxaan u dhaxay tuuladii awrta loo raraye
albaabkii Burcaan tegey anoo aaladii sida eh
Amminkiiba lay yimid sidii eegta lay yahaye
Ooggii horey nagu kaceen adhi dillaalkiiye
Dar iimaanka laga qaaday baa noo aloogsadaye
Amankaagay goortay wankii adhaxda tuujeene
Inta weeye iyo maahadii la is ilaaqaayey
Asaraartankii baa qalbiga aad wax ii dhimaye
Afka reer magaaluhu yaqaan waan ka oodnahaye
Ii-maroojihii bay khatalay kii aan aaminaye
afar bawlad laga gooyey bay igu aluubeene
Anigoo arkaayaa gacmaha laygu iibsadaye
kuwo boqonta ood laga sudhay ila ahaayeene
usha, jeedal iyo suufaf bay igu illaaweene
Ashcaartaba rag baa iga badshee idinku weydiiya.

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo