Gabay Reer Diini/Idabaaldaggay


Gabaygan Ayax Dhawre waxuu marshay markii uu ka soo guuray Mudug oo Caabudwaaq iyo caro mareexaan u guuray. markaas baa rag u yimaadeen reer Bookh ah oo lee yihiin  Ayax Dhawre soo noqo , reer Hagar (Faarax hagar,Xirsi Cigaal oo geel ka dhacay Cumar maxamuud , Reer Khalaf)  oo gabayo usoo marshay geelay dhaceen, qolyahii reer Khalaf baa ku yidhi Ayax Dhawre reer hagar u gabay noo soo guur Ayaxna gabay buu marshay uu arinkaa ku diiday waxuu Yidhi:-

Cigaalow dirkeediyo ergadu waa wax iidarane
Dabuubtaad ileedaa qal biga laydamqinayaaye
Dacwadayda maqal hadalyarbaan kaadajinayaaye

Jirkey duubmay diiftiyo cirada deebta ka cadaatay
Wax digniin dabaad ii gufilan oo da’baan ahaye
Ninkii dilaya inu dayni bay doqoni moodaaye

Deerada ugaadhaba hadii xadhiga loo daadsho
Waxay dalaq tidhaah daba haday dayrka kala khoofto
Sidee loo dagiijaa haday dabin taqaanowdo

Aniguna dulmiga waw arkaa daayadii shamise
Maantoon duqoobiyo anoo duluq ah oo dhoorleh
Waxaan dagalka kula joogi jiray dalan dalkaykiiye

Cigaalow dadkii wada ogaa saad ka damacdeene
Waa kaa gudboon yahay nafluhu Dir iyo Daaroode
Nin ladubay hadalkiisu waa duugmo aan hadhine

Waa dawgii uu yuusuf cali iiga soo digaye
Dirham niman aan kuu quurahayn dahab haddaad siiso
Deriskooda nacay Reerihii damaca waalnaaye

Duufaani haday idin gashoo ladin daba duugo
Dumarkiyo caruuraha hadaan ruuxna laga daynin
Dubku iima naxo nimaan kalgacal iiga soo duxine

Dabku yusuf shiday faarax baan daaya odhanayne
Maxamuudna gaas iyo kudaar dogoboyo waawayne
Ana diiday waligay inaan dawga soo maro’e

Caawana waxaad iigu dudi waan ku diir garane
Wax dhan baan dagaal iyo afxumo dirir utaagnaaye
Wax dhan baan waxaan ii dan ahayn aan daf soo idhiye

Iska diiday reer Hagar hadaad cid udiraysaane
War oodii dulwayn baa dhurwaa dawka xoogsadaye
Buraaleba halkaad iga dirtu kaaga soo dagaye

Dabaylahakan caylkaa waxaan loogu dacasoobin
Wartantaada raac goortaan damcaan qoloku dufaaye
Waxba gabaygu yu ila durkine dulucdu waameele

Dabac iyo wanaag baan ka helay daris Mareexaane
Reer Diini oo idili waa iidabaal dagaye
Dig intaan idhaahdaan hurdada daayinku ahaane
Darintiyo barkimada isii laydakana reebye
..

Kaydintii: Murtiysuugaan

Raacdayntii & Tafatirkii: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo