GabaygiiHoy Ilaahay ka yaaba 

Ceelka Docmo la yidhaa oo biyo xoog ahi galeen ayaa niman Askar ahi xidheen Dadkii aroorka agaa ayay uga dhaarteen,waxayna yidhahadeen “Ceelkan dawladda ayaa iska leh” Arintii oo sidaas ah ayaa waxaa ceelkii yimid Ismaaciil mire oo Awr dhaan ah wata iyo nin kale oo ay wada socdeen.

Ismaaciil caan buu ahaaye askartii baa ku tidhi ismaaciilow adiga awrka waanu kuu dhaaminaynaaye in yar aynu sheekaysanee bal soo fadhiiso Ismaaciil waxuu yidhi war nin baanu wada soconaaye ama laba awr noo wada dhaamiya ama iskaba daaya aannu meel kale u aroornee waxay yidhahadeen waanu yeellaye bal gabay noo mari

Markaasuu siday wax kale uga eegayeen iyagii isku rogay oo waano iyo canbaarayn ugu dhaqaaqay. Wuxuu u sheegay waxyaalaha ay ku kacayaan dhibaatooyinka ay dadka u leeyihiin iyo sida habeen aakhiro u eedi doonaan haddii ay ku sii wadaan Geeraar buu wuxuu ku yidhi


Nimanyahow Askareed
Haddii aan eray xuura
Oon aqligayga ka fiirshay
Idhaahdo idin waansho
Ibtilaa dhulka joogtee
Armaa lay qabsadaayoo
Awowgur Dhaladiir
Afka ii gelisaan!


Markaas baa inta la qoslay lagu yidhi Ha ka yaabin kolkaas buu yidhi


Nimanyahow Askareed
Nin hadduu asaruuro
Oo kufri aaladdii qaato
Islaameedka luggooyo
Inamo uu la cayaaro
Uu kibis uurka ka buuxsho
Ma aslaaxo gadaalkoo
Arrinku tabcanaayuu
Ehlunaar ku noqdaaye
Haddii aad nebi Aadan
Iyo Xaawo udgoon
Isirtoodii tihiin
Hoy Ilaahay ka yaaba!

Nimanyahow askareed
Ummulaha baqtiyaayiyo
Odayaasha gaboobey
Ceelkan aad af xidheen
Laga oonsho xareedda
Inkaar baa dhici doontee
Haddii aad Nebi Adan
Iyo Xaawo udgoon
Isirtoodii tihiin
Hoy Ilaahay ka yaaba!

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo