“Qoyska Qamaan Bulxan oo ku noolaa deegaankooda, ayaa waxaa habeen magaalada soo galay rag safar ah oo u muuqday kuwo reerka ku hoyaan doona.

Qamaan ayaa raggaas oo meel dheer ka muuqda arkay. Isagoo degdegsan ayuu horay u galay aqalkiisa, wuxuuna xaaskiisa ku yiri: “Nimankaa safarka ahi, haddii ay ku yiraahdaan ‘Qamaan ma joogaa?’, ‘maya’ dheh. Haddiise ay ku yiraahdaan ‘Qamaan Bulxan ma joogaa?’, ‘haa’ dheh.”

Nimankii safarka ahaa, iyagoo u muuqday kuwo hadalkii Qamaan hore u ogaa, ayay xaaskiisa ku weydaarsadeen oo ku yiraahdeen: “Qamaan Bulxan ma joogaa?”

Haweenayda in ay hadalkii Qamaan hilmaantay iyo in ay iyada naf ahaan ujeedo kale lahayd, Ilaahay baa og. Hase yeeshee, waxay nimankii ugu jawaabtay: “Mayee Qamaan Bulxan ma joogo.”

Jawaabtaasi ma ahayn sidii uu Qamaan kula dardaarmay.

Hadaba, markii uu kor u soo kacay ayuu tixdan tiriyey:”

  • Naagyahay horyaalnimo ninkaa, loo huraan ahaye
  • Waxaa ahay nin lagu soo hirtoo, heelan abidkiiye
  • Ma huluulan karo buul anooy, timihii haarmeene
  • Waa kaa raggaan ka hambas idhi, galayo haybtiiye
  • Waxaan heli waxaan haaban karo, iyo waxaan haysto
  • Hiyiguba wuxuu doonayaa, inaan hibeeyaaye
  • Iyagaa intay hiish baxshaan, heesi dabataale
  • Oo ku hilbo qaybsada waxay, hor Alla gaysteene
  • Ma Hartaynu nahay soorta maad, hadal la’aan dhiibtid?

Hiisku waa wax yar oo aan dhamaystirayn;  Heerkaan ku moodaayey baa, hiishash kaa go’aye waa kii ninkii kale lahaa

Inaysan dhanayn baa la arkaa tixdani.


Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii: Mr. Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo