Wax dhaaxaan dukaan buuxiyoo beeg u jiifsadaye

Waayana horweyn baala dheer bookh ku foofsadaye

Waayana badoow yaan ahaa beel u yeedhahe

Waayana quraankaan bartoo buuni ku ahaaye

Waayana askari baan u baxay iyo basaas gaale

Boqol iyo hadaan toban gu jirey waa bar kuma taale

Intaasoo barwaaqaa hadii laysku wada biirsho

Bil qudhoon xoriyadii arkaa igala buurayde

Boqor diinta kula haysta ood beeg u garanayso

Oo aadan baqahayn askari inuu ku soo baacsho

Oon beenawaas hadalka cunay kuu bishma cadaynin

Oo aadan boqol hoos u siin baaqina u reebin

Iyana waa bishaaradaan helay ee beyaanka ahe

Berberiyo hargeysaan cadaan baawar ku lahayne

Badaa lagu cashuuraa haday beri yimaadaane

Boqoroowday soomaalidii baadida ahayde

Buugay saxeexaan ma jiro baawar celiyaaye

Nin kastoo is bida maanta waa bera’tamaayaane

Caasimada laysugu bixiyo boosto waa xamare

Waa tay dadkaan biid ogayn baaq ku kiciyeene

Waxaa beesha laysugu camiray say u badataaye

Bahdaana laguma caarido waxaanay baadil ku ahayne

Barayminastarkiyo inamadaan baawarka u dhiibtey

Alaylehe waxaan baahi qabey waa badbadiyeene

Baraarkiyo wankaygii dhashaa boqol la siiyaaye

Waaniga canbaha baayacdiyo barayaroow shaale

Waakaa jidhkaygii bogsaday
Baalidka ahaaye

Boonkii la goo iyo magtii baadilka ahayde

Baadiddii nin qaadaa ma jiro bilo haday taale

Bidixdaa la jarayaa haduu bowlad soo xado’E

Nin baxnaano daran xaajidii waa badh qubataaye

Soomaali biligeedu waa waxay la boodaaye

Hadii baarqab geel lagu daroo buun ku wada goojo

Beryo inanka raacaa haraad baahidii aragye

Bishuu rimay bisheeda han ayuu barada qooyaaye

Inta beertu dhalaysee midhaha kala bislaynayso

Badwi iyo ninkii waalani hayska buuqeene

Balan waxaan ku marayaa haday beri dhow sii joogto

In banaanadaa laga dhergaa baani iyo soore

Oo aan wax baahdaaba jirin balaxsi mooyaane.


Kaydintii Akadimiyadda Afka iyo suugaanta ee Murti

Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo