Gabaygii:Â Hooyaale gabay
waxuu gabaygan ku darsatey Guba. markii Salaano carabo gabayga ku soo buraanburtay buu gabaygan ka tirshay geed u hoos fadhiyey waxuu yidhi:-
Hooyaale gabay waayadeer haabka kuma hayne
In dhoweydba waataan ka hadhay himiladiisiiye
Ma hawalinnin maansooyinkii igu habboonaaye
Hoorri waliba goortuu tirshaan daayay hadalkiise
Hayeeshee xaluun baan hurdada haatuf ii yimiye
Qaar baa halleeyee haddaan Miinka ka higgaadsho
Heelkaan ka maansoonayaa loo hanweyn yahaye
Iga hooya waa taad beryahan ku holganaydeene
Hebednimadu waa waxay rag yari kuu hunguriyayne
Haddii aad halyey wada tihiin hanad ahoo dhiirran
Ninna ma holliyeen xoolahaad, gacan ku haysaane
Hubka iyo raggaba adiga oo hodan ahoo buuxa
Habaar weeye Habar Yoonis aad hiil u dayataaye
Haddii aadan hoollinayn dagaal hebelna aad weydo
Holgantoo naftaad geeridii kala hawooteene
Waase lama huraan mowd inaad ka hor timaaddaane
Hayin iyo anoo layga dhacay halo an maalaayay
Intuu Halab karuurkeed nin kale dhamo ma hoydeene
Anoo hilib ugaadheed ku nool kama hadheen Xiise
Idinkuna hablaad ugu darteen hadiyaddoodiiye
Hayiin iyo dayiin uumiyuhu idinku haasowye
Inaad hoos u wada foorartaan helay khabaarkiiye
Horweyntii la qaadiyo raggii haanka lagu gooyay
Haadkiyo waraabuhu ragguu ka hirqadee laystay
Ee hanaqa ay wada jareen hebelladii laayay
Hawo ineeyan kaa hayn inaad wax u halaakayso
Aad hiiftay Cali Aadankii ficil is haynwaayay
Oo aad Hartiga eersateen helay Qamaanoowe
Hayeeshee waxay kaa hayaan wad ka helaysaaye
Nin hashiisii laga qaaday oo lagu hor maalaayo
Oo horin ka yari haysataa sidan u hoomaayin
Oo waliba loo sii hanjabay lana halaakeeyay
Hawaar dhabba nin lagu soo dhuftoo haylna laga jeexay
Ha’da maanso kuuma ay furree kaagu waa habowe
Heeryada adaan rogin Qamaan haanta lagu saaray
Hadalba kuuma yaallee maxaad gabay ka hoodaamin
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed