• Xasanoow higlada waan arkaa, soo hadoodilane
  • Celeen hamash ah waatii lahayd, roobna wuu helaye
  • Had iyo jeerba waa lagu yaqaan, higilka doogga ahe
  • Maroodiga hurdaa geedka, uu jiifo hadhaciisa
  • Hiyiguuse daaq buu jeclaa, taana hidin waaye
  • Hanqaloocsay oo gaadhi waa, xiid haraadanuye
  • Kaasay hangaralihii dhulkiyo, habasna laaceene
  • Jiilaal hawaarsaday abaar, laysku wada hiifay
  • Habar-adhi humraa soo dhaciyo, hogo kaliileede
  • Hanqadh iyo hillaac baa xigiyo, daad haraaciye
  • Dhagar heetisaa meesha ay, ku hangalaynayso
  • Honboboro-libaaxeedda waad, sii hannaan garane
  • Dab ay huriso waa la arki jiray, digo hulaaqdaaye
  • Hudubaan khasaaraa ugu jira, ciirta uu helaye
  • Dafo hiilinaysay ahayd, taa hagooganiye
  • Haataadhus-laysaye waxay, beeni huguntaaba
  • Hurgumadiyo maashiyo wuxuu, nabar hafeeftaaba
  • Higashiyo waxay heedadoow, ku hunbulaataaba
  • Mid bay huri hillaacyada bariyo, hawda karameede
  • Haylaha casaaduu arkaa, galowga heesaaye
  • Halabada bislaateey ogowd, haaddan socotaaye
  • Boodada haldhaagaa ka weyn, haara faashadaye
  • Barruu haramacadkii dhaansanaa, cowl hogaansade
  • Hareeri iyo galool saadambay, caws huwanayaane
  • Hurduf jiije kii doortay bay, hadi ku saaraane
  • Nirig hadaftay iyo hooyadeed, way is helayaane
  • Haddaan haraga haasaawihii, kaaga wada hoolo
  • Harar iyo Halloobiye mar iyo, Helele meeshiisa
  • Heerahaad la taaliyo dadkii, howdka kula joogay
  • Umaddoo dhan haysugu halayn, kaasi waa hebel e
  • War suugaanta hano yaan adeer, haybadaa lumine.

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo