Gabay: Hido-Raac
Gabaygan Ina Suusle waxuu la socdaa gabayga la yidhaa Seyruuq. oo Cabdi baraar ba ka soo gabyey Carabta. Gabay la yidhaa “Hanbalyo”,taariikho been ka sheegaya dagaaladii ka dhaceen Waqooyiga Somaliya iyo Derajo uu gaadhin sheegtay !” markaa Suusle gabaygan mariyey cabdi baraar wax jawaab ah ma gabay ah waa soo rogan waayey Gabaygan waxuu la ujeedo yahay Gabaygii horen ee Seyruuq Suusle waxuu yidhi:-
Caliyoow hanaan gabay beryahan hab uma luuqayne
Ma higaadin maansooyinkii haybada lahaaye
Hamadiisu waa igu yarayd hogu tus mooyaane
Caawaan sidii hoorimaad kuu haraad tidhiye
Hor ilaahay mooyee qabiil uguma hiisheene
Nin hawaayadii dhimay iyo hawl gab la imoodye
Markaasaa hareef iyo nin xuni i hungureeyaane
Haasaawihii niman dilaan la hadli doonaaye
Halowga iyo taarku waa hirarka dhaadheere
Waligood miday hadi waday soo hormariyaane
Ana hoodadii waa sitaa haaliga ahayde
Bal aan maanta hawraar gundheer Habarjeclo u sheego
Aduunyadan hayiin iyo bayiin lagu heshiin wayey
Aduunyadan dagaal heegankii loo hub guranaayo
Aduunyadan hayaay iyo wareey had iyo goor taagan
aduunyadan hayaan geedi baas habaqla guuraysa
Aduunyadan hubaashiyo runtii laga habaabaayo
Aduunyadan humaag been ah iyo hamaga raacaysa
Aduunyadan habeenkii dhergaa hanad is moodaayo
Aduunyadan huduu loo socdaa hagar la’aan diiday
aduunyadan nimay hoog u tahay la hambalyeynayo
Han balaalaqeeda iyo nabsiga heerba galin joogay
Hagardaamo iyo ciil ninkaa haad u bixi waayey
Misna yidhi anaa libin hayoo heesayoy darane
Adigoo hadaadin ah sidii adhi huluunboobay
Adigoo naftaadii hafraad heedadow tahaye
Hada aynu joogniyo ilaa hilinka taariikhda
Hadimooyinkii dhacay hadii loo hogtirinaayo
Halkaad idinku gaadheen ma jiro hoos ninkaa maraye
Hanti korodhay iyo guul haday hibatay laabtaadu
Labadada hungaa taagan tahay helina maysaane
Sidii baad hargoole iyo dilaal heemolow tahaye
Sidii baad hulaab duug ah iyo huudh u sidataaye
Sidii baad wankaa haysha dheer ugu haliishaane
Sidii baad afkii halowsanaa ugu haraaryoone
Sidii baad hunguri aan xishoon u hawo raacdaane
Sidii baad hadh qoodaal cidla ah uga hugmaysaane
Sidii baa mirqaan kuu hayaa habi la’aaneede
Sidii baad Allahuu ku halqay iyo hiifay nabigiiye
Sidii baad hal aydan dhaqan hanaq u goysaane
Sidii baad hilbaha ula gashaan hul iyo buurdhaabe
Sidii baa halyeygii laha kuu hatigayaaye
Sidii baad u haaraamaysaa hodanka Daaroode
Sidii baad hacoo faranji iyo haariiba u tahaye
Sidii baad hadhuub raaca yurub u handanaysaaye
Hayinka iyo sidii baad u tahay heeryadiisaba’e
Sidii baad hanbada quudha iyo haaf u baridaane
Bal maxaad hesheen weydinkii huray wanaagiiye
Afartaa hubkaan ridi jiray iyo howsar iyo miigdheh
Hiilaadiisa kama leexiyee hig iyo liishaan dheh
Heedhku wardharkan toogan jiray waa holcinayaaye
Bal aan waliba hoobiga madfaca hiishyar kor u qaado
Hir banaan waxay maalintii huguguf laysaaba
Hadhka galay talaabada heeg u socotaaba
Hanaqaadka laafyaha waxay hagac ka siisaaba
Gorayadii habeenkii dumaa hoog u soo galaye
Adiguna halkaad yururtaad habas tidhaahdeene.
Waa kaa halbowlaha wadnahu habaye dhiigiiye
mar hadii habkaad doonayseen kuu hirgali waayey
Inaan taladu kaa hoosin ood hubiso weeyaane
Hambadiinu waa baaloleey hadani maysaane
Iyadaba dab loo huriyey bey hama tidhaahdaaye
Alleylahe adaa la hindisa ah howtal hama gaase
Doqon harabtay wow haajirtaa heyjad iyo oone
Adoo maanta soo helay baray dib u halowdaaye
Iyadaba ninkii hiil u galay dib isu haaraanye
Geelaba hadhaagii lumaa waa heblo u doone
Hareer baa Illaah kaa marshaa hilinka tooboone
Caawana tilmaan lagu hirtoo togan ma haysaane
Hiinraac qabiil baa ku jiray hadaladaadiiye
Hawiye iyo Daaroodba wa ahaamo soo jiraye
Labaduba hidaha loo ogyahay hore ma diidaane
Aduunbaa habeen iyo dharaar hayb u geediyahe’e
Hirwadiinu iriri bay ahayd heeladii shalaye
Waa taad Hiraab iyo Abgaal hooyo la ahayde
Maantana hadaaqaagu waa Haashin baan ahaye
Hayaan badanidaa maad Iidoorow meel uun ku hagaagtid
Afartaa hubkaan ridi jiray iyo howsar iyo miigdheh
Hiilaadiisa kama leexiyee hig iyo liishaan dheh
Heedhku wardharkan toogan jiray waa holcinayaaye
Bal aan waliba hoobiga madfaca hiishyar kor u qaado
Habaryonis iyo Ciidagale wow han weynahaye
Labaduba taleey na hordhigeen taada ka haboone
Hunbanida Cigaal kuma jiraan ee hog waaga ah’e
Waa Niman hogaan kuu ah iyo hawl kar waligoode
Harti iyo Ogaadeenba waa la hindisoodeene
Daarood waxay kala hayeen haniye weeyaane
Himilooyin noo muuqda bey nala hilaadsheene
Soomaali kala haajirtaa la isu humayaaye
Inkastoo halaagii ku dhacay heer xun kala geeyey
Tawfiiq hagaagtiyo nabsigu waa hibo ilaahe
Durba shacabku soo wada hilow hoonka loo tumaye
Hina kaligii haqa beeliwaa haatan la ogaaye
Hawraarsan iyo waa gudoon hadalka muuqdaaye
Huqda ciilka adigaa hunaa tan iyo haabiile
Aduunbaa hinaase iyo guux hoos u foorare’e
Hadhka habada loo seexdo iyo hadhacu waa guule
Hurdadu iyo shalay kuu ahayd hoy la jiifsado’e
Hadii aad hurgumo dhiigle iyo hunugii doonayso
Ama uu dagaal kuu hadhaad u hinbilyoonayso
Hawd iyo Nugaal baanu naalan Haradii ciideede
Hamaansiga Libaaxi ma dayn kaa ham siin jiraye
Hudh madiina nimankii bartaa kuu hamuun qabo’e
Hunjun qaadayaa iyo anagu kula horaynaaba
Labadeena kii la huwiyaba heegan baa nahaye
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed