Maansadan, “Hibada ku Qarsoon Naftaada”, waa mid dhiirigelinaysa qof kasta, iyadoo ku wargelinaysa in qof walba uu leeyahay hibo u gaar ah. Hibadaas waa mid muhiim u ah nolosha qofka iyo makhluuqaadka la noolba. Qof kasta haddii uu raaco hibada ku duugan ruuxiisa, wuxuu gaadhayaa libinta hadaf kasta oo isaga la xidhiidha.

Dib u eeg taariikhaha la soo maray; qof kasta oo nolosha guulaystay ama abuuray shay guulaystay wuxuu raacay waa hibadii ku abuurnayd ee hagaysay amintii uu gudanayay fulinta howlaha ay fartay ruuxiisu.

Waxaa hubaal ah in wax kasta oo la intifaacsado oo dunida yaalla, iyo cilmigiisaba, uu makhluuqu curiyay. Marka laga reebo Culuumta Rabbaaniga ah ee tirada badan, culuumtaasi iyagu way ka sarreeyaan caqliga makhluuqa iyo waxa uu hindiso.

Maansadan waxaan ku soo qaadan doonnaa waa cilmiyadda maadiga ah iyo wixii la hal-maala. Cilmi kasta oo ay dheefsanayaan Aadanuhu wakhtigan, waxaa jirtay wakhti uu bilaabmay oo uu adduunka ku soo biiray, kaas oo ka dhashay kasmada Aadanaha.

Aynu yara dul istaagno cilmiyadda laga soo dheehay dhimirrada Aadanaha. Waxaa ka mid ah Teknolojiyadahan faraha badan ee laga maalo faa’iidooyinka xad-la’aanta ah oo ku aroora Culuumta Physics & Chemistry ama kuwa u dhow. Kuwaas oo loo adeegsado habab kala geddisan iyo waaxyo nolol-kaabayaal kala duwan. Sidoo kale, culuumta qaabilsan noolaha iyo dhaqdhaqaaqiisa ee caafimaadka, oo iyana lagu xidhiidhiyo cilmiga dareemayaasha (Science). Kama geyoonayno inaan cilmiga maadiga ah ku koobno qoraalkeenna, hase yeeshee dulucdeenu waa in Aadanuhu curiyay wax kasta oo dunida yaalla, meel kasta haka soo dhiraandhiriyee, si hibadiisa waafaqsan.

Marka dib loo eego culuumtaas, waxaa inoo soo baxaysa in mid walba uu qof curiyay ama helay, inta kalena ay baranayaan wixii uu soo kordhiyay ama sii casriyaynayaan. Hadaba qofkaas cilmiga curiyay maxaan odhan karnaa? Waxaan odhan karnaa waa qof dunidan wax ku soo kordhiyay. Si uu wax ugu soo kordhiyana, waxaa hagaysay hibadiisii; haddii aan soo gaabinno, waa “Hiboole Guulaystay”.

Bal qiyaas qof hibadiisu tahay Caafimaad, haddii uu doono inuu noqdo dhaqaale-yahan ama ganacsade, waxaa soo baxaysa inuu ku khasaarayo wax badanna khasaarinayo. Tusaale ahaan: qofka hibadiisu waa abuuridda faa’iido dhaqaale oo keliya.

Muhiimadda qoraalkeenu waa in aan ogaanno in qof walba Alle (SWT) uu u abuuray micne. Haddii qofkaasu fahmo oo raaco micnahaas, wuxuu helay hibadiisii oo ah jidka libintiisa. Ogowna, qof uu Ilaahay macno la’aan u uumay ma jiro.

Intaas kadib, waxaan isweydiinaynaa: waa maxay hibadu?

Qolyahan cilmiga maadigaa u fiirfiirsada marka ay qeexayaan hibada, waxay ku soo gaabayaan “Natural aptitude or skill” taasoo macnaheedu yahay ‘Xirfad Dabiici ah’. Annagu aan nidhaahno Xirfad Rabbaani ah.

Hibadu waa kelmad inta badan lawada isticmaalo, runse leh hal micne oo qeexaya awooda kuu gaarka ah ee ruuxaagu ku hogaamiyo jidhkaaga. Hibadu waa shayga qof ka dhiga inuu shay aad ugu wanaagsanaado, ilaa uu gaadho guusha.

Dhab ahaan, Soomaalidu markii ay Dowladdii dhexe burburtay ka dib, waxaa bilaabmay inay la bururaan hanaankii nolosha iyo hankii umadduba. U fiirso, labo jeer ayaa ilmaha Soomaaliga ah laga lumiyaa hibadiisa:

  1. Tan koowaad: Ilmuhu intuu yar yahay ayaa lagu ababiyaa hibadiisa. Taas oo lagu ogaado doonista uu shay u leeyahay. Midbaa jecel inuu baabuur iyo qalab sameeyo—kaas waxaa ku jirta hibo makaanikal ah. Waxaa laga yaabaa inuu berri wax dayax gacmeed ka casrisan hindiso. Nasiib darro, qaar kamid ah waalidiinta Soomaaliyeed, markay arkaan in ilmuhu ku cayaarayo wax uun, intay ka burburiyaan ayay yidhaahdaan: “Bal day siduu qashinka u fadhiyo.” Halkaasna waxaa lagu xidhaa maan burqanayay hindisooyin is-habeeyey. Waxaana soo baxa ilmo cunto kaliya lagula deddaalay iyo waxa jidhka u roon oo qalfoof ah. Taasina waa tan keentay inaanan fandhicil samaysanin wakhtiga aan qorayo qormadan. Waanse filayaa amin khayran oo u bilaabata bulshadan dhinacyada badan ka naafowday.
  2. Tan labaad: Ilmuhu markuu Dugsi Sare dhameeyo, waalidka ayaa iska leh doorista nooca kuliyadda uu sii baran doono. Lama waydiiyo maxaad ku wanaagsan tahay, balse waxaa madaxa loo geliyaa kuliyad uusan garanaynin. Ka dib waxaa ku dhacda inuu barashadeeda ku fashilmo oo halkaa kaga hadho cilmi koobistii la doonayay inuu fanni ku takhasuso ee Jaamacadda. Ama dedaal, dhabar-adayg, iyo kufaa-kac badan ka dib, wuxuu dhameeyaa isagoon waxba ka garanaynin wixii uu warqadda ka qaatay.

Taasina waxay dhalisaa inuu waligii ahaado qalfoof madhan oo aan fikir iyo han lahayn, una noolaado sidii xoolaha oo kale. Waayo, waa qof laga lumiyay jidkiisii loo abuuray, wuxuuna magan u yahay cid kale meel kasta.

Waxaan isla fahamnay in hibadu ay muhiim u tahay nolosha Aadanaha, mudan tahayna in qof walbaaba ogaado wuxuu hibada u leeyahay. Maansadu meelaha dhexe waxay si toos ah ula hadlaysaa waalidka inuu soo saaro ubad tayo leh oo hanan kara himilooyinkiisa nololeed, Bulshadana wax u soo kordhin kara.

Curintii iyo Hal-Qabsigii Maansada

Waynu soo guud marnay dulucdii ku rarnayd maansadan, laakiin iba-furkeedii iyo gunaadkeedii aan mar kale jibaaxno sidkooda.

Ahaantii sannadkii 2014-kii, goor habeenimo ah anigoo jooga gurigayaga (waa taftii Hooyo ee aan ku soo koraye), ayay igu dhalatay, wakhti aan u jeelanaa inaan seexdo, inaan qodobkaa Hibada ah ka Maansoodo oo aanan dhag dhulka dhigin ilaa aan meel ku ogaado.

Aan idhaahdo foolashadeedii, anigoo hadba meel isku qaadaya, ayaan ku soo hal-qabsaday gabadh ila dhalatay oo markaa ahayd qofkii ugu dambeeyay aan arko intaanan qolkayga gelin. Magaceedu waa Hibo Ismaaciil Digeed, waana da’dii iga yaryarayd ee xaafadda, laakiin waa qof aan murti-jacayl ku tuhmayay. Waan ku soo hal-qabsaday anigoo leh:

“Hibooy, Suugaantu qiimo ma laha haddii anfaco ‘Lacag’ laga raadiyo. Aniga waxay iigu badisaa markaan qodob muhiim u ah ummadayda kala hadlayo. Anigoon ku doonayn in adduun laygu siiyo, waxaan jecelahay in layga weeleeyo [la qaato]. Intaa waxaan ku daray: dhimashadayda ka hor waan u gudbin doonaa wax wanaagsan Bulshadayda, anigoo Eebbe-weyne raalli ahaansho kaga doonaya iyo inuu miisaanka xasanaadka iigu daro, la kulankiisana ii bilaash bixiyo.”

Gunaanadka iyo Magacyada Maalmaha

Gunaanadka maansada waxaan ugu tagi doonaa magacyadii maalmaha ee aan isticmaali jirnay intaan loo dhalan-rogin kuwan hadda la tirsado ee doolka ah.

Maansooyin badan waxaan ku soo qaatay noocyo kale oo ah magacyada tirsiga maalmaha, kamana daalo inaan dib u nooleeyo dhaqankeennii yaalka ah, oo aan xasuusiyo Bulshada Soomaaliyeed inay leedahay Dhaxal badan oo looga maarmi karo in wax la soo deynsado.

Maalmaha aan ku soo qaatay maansadan waa qaybta ku salaysan dhacdo farxadeedka, waxayna u dhacaan sidan:

  1. Nagaad (Sabti)
  2. Sunni (Axad)
  3. Sanni (Isniin)
  4. Koodaar (Salaasa)
  5. Goonyaad (Arbaca)
  6. Ugbaad (Khamiis)
  7. Hoyaad (Jimce)

Marka aan qaadanayo magaca maalinta, waxaan xusayaa falka aan hayay markaa ama ku haminayay.

Intaa ka dib, sidii ii caadada ahayd, waxaan ku soo afmeeray “Gunaanaday” shaanbadaydii aan sumad ahaanta u raacin jiray Suugaanta aan curiyo. Hal-beegan saxiixa ah waxaan kaga hadlaa ciddii samaysay maansada, waxay ka hadlayso, iyo godka ay ka tahay Suugaanta baaxadda wayn leh.

Markan waa kolkii aan idiin kala bixi lahaa Adiga iyo Maansadii aan maantoo dhan dul wareegaynay, anoo filaya inaad faham guud kaga soo qaadatay tiraabtii aan ku faalaynaynay sidka iyo sooha maansadan.

Maansadii: Hiboda Ku Qarsoon Naftaada

Hibooy hogga maansadeyda
Hormayntiyo gogol dhigeeda
Howraartiyo shaqaladeeda
Hadaanan rareyn mug-dooran
Ma howlo kaskoo ma hoorsho.

Hibooy hamigiyo dareenku
Hab’buu igu yidhi dadkaaga
Hubaal aniguna tixdeyda
Waxaan uga dhigi hogaanka
Ku soorra hagaag ka fiican.

Heddeyda intaan la saarin
Hog iyo iil lay aroorin
Inaan hindisaha qorsheeyo
Inaan hago maatadeyda
Mid aan ku han weynay weeye.

Hubaal Eebaa ogsoone
Hadanna ummadyahay si qeexan
Hal-doorada weedhahooda
Murtida huriddiyo abuurka
Hal-sheegiyo curatinkeeda
Hunguri ruuxii ka baadha
Ma yeesho han iyo damiire
Anigga hormar baa i deeqa

Hadiyo sidaan hore u doortay
Halkaan rabo maal ma doorsho
Ma rabo hanti iyo aduunba.

Ma rabo hadyad laygu siiyo
Ma rabo kursi lay hibeeyo
Ma rabo hada iyo wax yaala
Ma rabo hayn ruux daciifi
U haysto inuu wax haysto.

Hor Eebiyo maalin weynta
Hadh Eebe inaan istaago
Ku hello ridihiyo qabuulka
Waxaan ahay ruux u heelan
Hadhoowto abaal i kaaba.

Bulshada hilinkiyo jidkoodu
Hoog buu kuwaa dadkeena
Hadaanan hadaanan sheegin
Hadaanan hadeer u sheegin.

Haadaanta daluunta weecsan
Halooti jarkaa silsaalan
Hay’haatadda sii daluulan
In ay hafashada ku iilan
Hubaal mid cadaana weeye.

Halkaan ka hadliyo mucdaydu
Hal farid, halal tabin’san weeye
Habaha lagu helo hal daahan
Helidda wax la helay aduunka
Helaha helay taynu hayno
Tabtii nin wax helay hageysay
Heluhu tuu hubanti maalay
Weeyaan hadafkiyo u jeedku
Heeryada qarisee dabooshay
Hagoogta inaan ka qaado.

Hadaan dhiskasoo manqaxo
Hal weeye haraadka reebta
Hal weeye hagaaga beerta
Hal weeye hogaanka taabta
Hal weeye hamuunta biisa
Hal weeye hamiga sifaysa

Hoodada Alle kugu abuuray
Hibada ku qarsoon naftaada.
Hadaadan ogayn khasaartay

Aduun ruux heer ka gaadha
Aduun ruux hayn ka maala
Aduun ruux haga dhigiisa
Aduun ruux himilo beerra
Aduun ruux horra u seeda
Aduun ruux hadaf tilmaama
Aduun ruux hadimo baaja
Aduun ruux hadal ku reeba

Hubaal idilkood dadkaasba
Hamuuntiyo jamashadooda
Hibaa ku kabnayd falkooda

Hooyooy hindisaha curuurta
Hadaan himilada wanaaga
Hibooyinka Eebe siisyey1
Hoodada lagu korin duxdeeda
Hankoodu ma yeesho doorka
Hanbeeya hal looga aayo.

Hooyooy ubadkiyo ciyaalka
Hadeydan barbaarintooda
Hufnaan ku rabayn hadeerto
Hadhoowto wixii yimaada
Ogoow idinkaa horseeday

Adaa hooyooy dirkaaga
Adaa hooyooy dadkaaga
Adaa habba oo daryeela
Hadhsiga adigaa ku soora
Hunguri adigaa ku quudsha
Hurdana adigaa ku laylya
Hugiyo labiskooda saanta
Adaa u huroo u iiqobsha
Adaa hargab iyo xanuunba
Huq-jiris adigaa daweeya

Qofyahow hadalan dhagayso
Halbeegna ka dhigo astayso

Hogaanka hagaaga beegso
Hortaadiyo laaca tiigso
Ha’hiifin naftee dulqaado
Halkaad kariweyday aaso
Hadhaaga la’gaadhi seeso
Hungoow haku jirin waqaaye
Hadeerba sadkaaga dooro

Hadhkiyo mugdigii ku heeray
Hagoogta ka qaad kashaada
Halleel libintiyo samaanta

Hadhuubkiyo gaawahaaga
Haleelo dhalloo irmaanna
Horweyn dhan hadaad ku maasho
Adoo haqabtiray mugooda
Hadaad ku wadooddan joojin
Inuu hirqan oo khasaari
Midaan hubo weeye taasi

Hayaan hadaf li’i la qaaday
Hayaan hubantida ka caydha
Naf howlan misana hogaan la’
Hog bay ku dhacdaa waqeede
Hibada doon kugu abuuran
Hantida lagu siiyay baadho

Halkaa hal dheh oo dhitayso
Halbeeg san dheh oo daliisho

Heelada dulucdiyo alfaada
Heensaha jarihiyo tubteeda
Humaagiyo jaadadkeeda
Haleelkiyo yoolka qeexan

Hilaad tirsigeena yoomka
Ayaamaha haybabkooda
Hadooyinka jeerar dhowra
Waxaan u huwaday go’ayga
Inaan heensaha irmaanta
Hilaalo tix seesta kaydka

Nagaad sunni sanni habeena
Habayntiyo curinta saafan
Hor Eebe maxaan u toosay

Koodaar hadhimiyo kulayla
Anoo hiil iyo wax toosin
U heelan dan guud hagaajin
Dantayda maxaan hilmaamay

Habeen dama oo la seexday
Hiraab goonyaad la jiifo
Ugbaad hiir iyo alayla/aroora
Maxaan haabtoo kaskayga
Hormeeyay alfaad xis’heerta

Hooyaad nasashada la xeersho
Maxaan hurdadiyo cadiiirka
Hoheey uga kacay furaashka
Inaan huro taan aqaano
Inaan habo maatadayda
Inaan hago oo hanuunsho
Inaan hufo maansadayda
Inaan hagar li’I tixdayda
Hayaan saxan abdi ku muujo

Waxaan hubin habid u toosay
Qalbiga hodanaa fahmaaya
Ruuxii hanadaa kasaaya
Haacoogiyo liid is’ hiifay
Hadaadun daciifi mooggan

Qofyahow hadaladan dhagayso
Halbeegna ka dhigo astayso

Haraadkiyo diifta daalka
Haqaygiyo luunka jiilka
Habaaskiyo boodhka saanta
Hugaagiyo oogadaada
Hadaad ka tirtood naftaada
Habaysay halkii dantaada

Hareertiyo dariska jaarka
Haybtaadiyo ehelladaada
Dhugoo hadimada dadkaaga
Ka saar hanfigiyo dhib’aalka.

Ogoow hanku laban dadaalna
Hiigsiga waligaa ha tuurin
Samaanta ta heer sareysa
Waqaa hubantidda ta fiican
Ku hiro kuna howl naftaada

Han-bilid hibo-farid xaqiiqa
Hayaan sixid weedho qeexa
Halbeeg noloshaada kaaba
Hawaar la manqaxi kalkeeda
Digeed hagar li’i u quudha
Hed’ joogta hadiyo mid kooyi…


Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Curtintii & Tafatirkii: Abwaan Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo