Jawaabtii Sayidka ee Cali Jaamac Haabiil

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan wuxuu ku jawaabay gabay dheer oo uu ku difaacayo sharafta iyo nasabka dadka uu Cali Jaamac Haabiil aflagaadeeyay, isla markaana uu weerar kulul ugu qaadayo Cali Jaamac laftiisa.

Sayidku wuxuu kaga jawaabay gabay dheer oo aan eega ka hayno:

  • Daroodku waa wada halyey, kalase hayb roone
  • Dadka kalana waa wada hulqiyo, huuba doora lehe
  • Waxse heer leh haad Farenji iyo, harabka Iidoore
  • Kuwa fuudka heeminahayoo, himishku duulaayo
  • Aan tan iyo Haabiil dheryaha, lagula howshoonin
  • Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
  • Nimankii hablaha soorta guri, ku hargawaaxaayey
  • Ee tii wax hoomeey tidhaa, kula haliilaayey
  • Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
  • Nimankii hawaaree siddii, habas u kowdiidey
  • Oo aan futada haawinayn, hogobka aad moodo
  • Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
  • Nimankii siddii awr hayina, hilayga qaadaayey
  • Hinjigu culayskii kuwuu, hoolay dhabarkooda
  • Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
  • Ragga hiirta waaberi dillaal, halaladuu roori
  • Oo aan hunguri maalineed, soo hadhgalinaynin
  • Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
  • Nimankii habeedley umula, huga u maydhaayey
  • Nimankii habeen iyo dharaar, hiribka qooshaayey
  • Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
  • Ragga udaha hoorsanahayoo, saxaradda u heegan
  • Iyo nimanka hooyadood ku odhan, habartu waa dhuustay
  • Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
  • Axmed Nuuxa nirig haaruf badan, kabadh u heeryeeyey
  • Ee hilinka meeshiyo Hiraab, habaqluhu u qaaday
  • Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
  • Muusacarraha haraga iyo, hoorka xidhanaaya
  • Oo qudhunka ay huursadeen, lagu hunqaacaayo
  • Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
  • Ciisaha bakhtiga hiigayoo, haadka qalanaaya
  • Oo calaha haabuurka badan, hagida meeraaya
  • Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
  • Habar Yoonis iyo Reer Jugliyo, Habar Magaadloo dhan
  • Iyo Caliga hoosada Berbera, huluqa jiidaaya
  • Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
  • Intii heer lahayd ma aan dhamayn, hebeladoodiiye
  • Hayska hoobiyeen nimanka aan, heeray boqontiiye
  • Inta aan hunduudaa ka badan, hiisha geedaha e
  • Niman baan hullaabee ma odhan, hiijo iyo ceebe
  • Waxse aan hubinayaa waa inay, hadiyad keenaane
  • Ha yeeshee intaasaan hojoo, hor Allahay geystay

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo