- Qamaan iyo Ismaacill Mire iyo, Qawdhan iyo Saahid
- Qudhii Maxamed qawlkii Salaan, qodobyadii Raage
- Qarnigii horeetaan ka hadhay, qoonkii gabaygiiye
- Qabri baanan gaadhine adduun, qaatay calafkay e
- Qorraxdii gudeysaan qabsaday, Qaahiraan tagaye
- Qalin iyo waraaq baan sitoo, qaaradaan maraye
- Wax i qaaday mooyeen cirkaan, qadaw ka laacaaye
- Qudha Adari quruxdii Jigjiga, Qaali iyo Faafan
- Qawyaha Nogbeed iyo Wardheer, qaalinimadeeda
- Qabridaharre iyo Dhoobo-Weyn, qadadi noo tiilley
- Qoorriga Suweys kama xumayn, qoodhay xeradeeye
- Lagase qaaday qoonkii lahaa, taniyo Qaabiile
- Ogaadeenkan qaxay jeer damboo, qaybta laga daayo
- Oo qoriga laysla hor fadhiyo, qolo ku faa’iiddo
- Qarxin maayo gabaygaan hayee, hayska qamardaaddo
Gabay kale waa kii Cabdi Gorod ku lahaa isagoo niman magacyadood la yaaban:
- Jurijuri Jaamaale iyo Jagac, miyaan jabo la meegaartay
- Jinni Xaarka saydhiyo miyaan, Wada Xun jeestaynay
Markii kale ee ay is hujuumeen ninkii colaadu u dhaxaysay ee uu ablaydiisii galka kala baxay dabadeed ninkii kale baqday waa kii ku lahaa tumaalkii uu ka soofaysan jiray saddex geesta qaroofan:
- Shalay duhurkii markii Daahirow, Carab isoo doontay
- Diilintii bannaanayd markuu, dumarku ooyaayey
- Dabajiir midduu tumay markuu, igula soo duulay
- Een Daabcaddaydii la baxay, soo degdegi waaye
- Soofaha ku duug  waa anigii, kuu ducayn jiraye.
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed