Gabaygii:Hayinka ii rara

Gabaygan Darwiish Ismaaciil Mire waxuu mariyey intuu dumida colka ku jiray wuxuuna ku tusaaleeyey sida uu u geel la’ayahay, sida rag haleelo uga buuxo iyo sida uu uga xishoonayo kuwaas baryadooda iyo ku hoyashadooda. waa gabay isugu jira guubaabo iyo beerdulucsi. Waxaad ka garanaysaa inuu rabo in uu ciidan Caligeri ah loo ururiyo oo dhalinyaro la raaciyo: kuwaas oo awood u yeelan doona inay diilin dhigaan oo geelal soo meersadaan waxuu Yidhi Darwiishku:-


Hindisoodayey xalay miyay hiribtey laabteydu
Habeenkii la hurday miyaan hoos isula shawray
Hammi iyo hawadda geel miyaan hilinka taakeeyey

Markii waagii ii halalac yidhi harag miyaan qoystey
Hasha keliya soo godol miyaa hibasho ii keentay
Ma hadhuubka Qawl lala galaa iga higgaysiiyey

Tolkay oo haleelo leh miyaa igu hor maalaayaa
Haamaha karuurka ah miyuu igu hanqaareeyey
Ragga hootanuugga leh miyaa haybta la i raacshay

Ma hooyaatinkoodiyo baryaan ka hawo weynaaday
Hambaabuladan Faadumo-xabbado hawl ma ka dhuuntay?!
Awel baan hafriinyo u dilaye haatan ma i heertay

Haasaawahedii badnaa ma isku haaraamay
Haweenkiyo carruurtii miyaan hooy iskala seexday
Col bay hibadu ii saaran tahay aan hawadiyaaye
Hadii aan Hormaro Eebbahay ima hungeeyeene

Markaan sida halyeyga u ciyaan heli sidaydiiye
Hawiyaa ku furay baa la yidhi hiladii Qaaweele
Hayinka ii rara aan reer Calow Hawdka sii maro’

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo