Markabey dalkii waxa banaan inaadan dooneyne
Dugsi-kululo Doombiraley iyo degalkii Reer-weyne
Darroorrimada laantii lahayd layku dacareeye
Diqda qaayib awrtana la daaq deeq Allaad sugiye
Docmiyo Toomihii duri ahaa lagu dugaagowye
Dooxii Xidh-weyniyo kufraa degay madheedhkiiye
Daaro iyo bangalo miidhan bay inagu deyreene
Diqda qaayib awrtana la daaq deeq Allaad sugiye
Markaan diriri jirey waadigii damal ka weynaaye
Daliigahanna kurus baa ahaa duudkan feensamaye
Dararna waad lahayd aad mudhkaha daafta marisaaye
Diqda qaayib awrtana la daaq deeq Allaad sugiye
Dulla-Carcaraaf waxaan kuugu furay dan iyo caalwaaye
Markabey dalkii waxa banaan inaadan dooneyne
Diqda qaayib awrtana la daaq deeq Allaad sugiye
Mutiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed