Gabaygii: Hanaan
Geelaan hagaajinayay ee aan wada hore u qaadsiiyay
Ee aan hareeraha kamaray hawdna ka ilaashay
Ee aan hubsanayay ee tirada heel is kugu keenay
Hurdo maan aqoon oo anigu waan halays nahaye
Cumaroow awrka habee lagu halaynayni
Oo hurdada ku filan isagu na hadhac la jiifaayay
Oo aan habadho loo dirin cidi ku hiifayn
Baa hoodo saa meeyayoo been helkii dhigay
Hal xagaaga soo aday baad igu hafraysaye
Ma hadlayninoo oo hashan ma oran waan hadaafayaaye
Haddii aad hubtid oo hanaan hawad kusii socoto
Oo haa na aadan odhaninoo hore u soo caydhin
Adigaa haligay oo hashaa hilinka qaadsiiyaya
Adigaa haleeyayee hadaad hore kasii raacdo
Waad heli lahayde sow hashu ba heelkay mirato.
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Raacdayntii: Cumar Ismaaciil Digeed