Camanje ayaa safar ku tagay Hargaysa. Niman Isaaq ah oo ay kaftan wadaag ahaayeen isuna gabyi jireen ayaa damcay inay dabin u dhigaan, oo ay meel dad badani isugu yimid—oo ahayd Maqdarad ama Goobta aroosyada loo dhigo oo kale—gabay ugu mariyaan. Camanje, intuu fahmay ujeeddadooda, ayuu gabay xujo ah oo ay rabbatiyey (ama rambasiyey) mariyey. Waxaa ka mid ahaa:

  • Shugra waxay xiddigaha ka badan, sharaf u dheeraatay
  • Shaydaan abeesada wuxuu, Xaawo ugu sheegay
  • Rabbi uma shafeecee Jannada, waxa shiddii geeyey??
  • Shanta kootka iyo qaaligaa, waxa idiin shuumay (court)
  • Shawaalkaa lixda ah soonka tegay, shuqulka loo raacshay
  • Dad unbaynu wada sheeganee, Shaanqa waxa doorshay
  • Haddaad gabayga shaaciri ku tihiin, shiinka ka higaadsha
  • Haddii kalase sheekaysanee, shaaka kala doonta

Cabdi Gahaydh, oo ragga gabayga lagu xujeeyey ka mid ahaa, ayaa furi waayey tixdaa. Kolkaas ayuu yidhi, ‘Waar Camanjoo, adduunka ha laga gabyo laysku ogaaye, yaa isku ogaa in aakhiro laga gabyo?’ Waxaa la sheegay in Isaaq is dhex yaacay, tixdaana in la furo laga wada maagtay, ilaa markii dambe la goostay in Aflow loo geeyo si uu u furo.

Dhawr sano ayaa kolba war hor leh Isaaq laga keenaa, warkaas oo ahaa: ‘Niman shan ah oo gabyaa ah ayaa Camanjoow Jigjiga kuugu iman doona. Nimankaas waxaa ka mid ah Aflow, halxidhaalayaashaagana furi doona.’

‘Bal ha yimaadeen,’ ayuu Camanjena ku jawaabaa. Sidii Isaaq filayey ma noqon oo Aflow halxidhaalihii Camanje wuu furi waayey. Camanjena waxaa la sheegay inuu gabay kale ka daba diray.”


Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo