Gabayga: Halgan


Gabaygaan la magac baxay Halgan waxaa curiyey abwaan Maxamed Dhagaafe Clmi Waxa uu gabaygu soo baxay 27 August 2005. Gabaygani waxa uu ka hadlayaa raggii usoo dagaallamay xornimada Soomaaliya ayaga oo hadafkoodu uu ahaa mid ku saleeysan hab Qaran ee uusan ahayn mid ku saleysan hab qabiil.Haddaba su’ aasha Isweeydiinta leh waxaa weeye raggii dhibka usoo maray halgankii dheeraa markii ay ku guulaysteen haddafkoodii oo aan xornimo helnay maxaa ku xigay oo dhacay? Yaa sababay? Maxaa hadda xal ah? Gabayga ayaa noo faah faahin doona insha Allaah.

Ugu danbeeynta gabaygu waxa uu la dardaarmayaa xubnaha iminka loo doortay dalka iyo dadka soomaaliyeed inay hogaanshaan oo ayagii aay ka dhex taagan tahay isqabqabsi aan dan u ahayn shacabka soomaaliyeed.



Ha’da gabayga anigoo yarbaan, haaminteed galaye
Hantideyda weeyoo anaa, hoodo ulahaaye
Markastana halkaan doonayaan, ula hadaafaaye
Horweyn weeye ii dhalahayiyo, halo an maalaaye
Aan hikaadsho caawoo kalaan, hilinsan qaadshaaye.

Gabay waa hub iyo saanad iyo, holac rasaaseede
Waxaa lagu halaagmaa tixuu, ruux hawadiyaaye
Marna waa haruub xoorleh iyo, halaw karuurkeede
Hidde raacid weeyiyo dantoo la isku hawlaaye
Waa horumar iyo dhiirrigalin, hadalka qaarkiise
Anna waxaan hogaanka u qabsaday, waan halgamayaaye
Soomaali baan la hadlayaa, iney hagaagaane.

Hootada gumeystaha raggii, ugu haraar daayey
Raggii aan harsiga iyo aqoon, hoy la jiifsadoba
Hantidooda nimankii baxshoo, aan hagranaheynin
Oo hiifay heryada kufrigu, dhabarka noo hiinjey
Illaa ay huleeleen raggii, holaca tuuraayey
Raggii aan hungoobine gadaal, guusha soo hoyiyey
Hadafkoodu heyb iyo qabiil uma habaysneyne
Inaan horumarnoo waxey rabeen qaran haleelnaaye.

Goortey Hibaaq curatay oon, dararti haaneedney
Geeddiga horawada markii, lagu hadaaqaayay
Hoobaan caleenliyo intaan, hilinsan gaareyno
Inaan sii hayaannaan raboo, haakah oronaaye
Hoos baase loo soo noqdoo, qubay haruubkiiye
Waxa aan la heernahay rataa, heeryadiis cunaye!!

Hurgumiyo qabiilbaa nabaday, holoca maantaaye
Qabqablaa na halakeeyey oo, huriyey baaruude
Hagartii shisheeyuhuna waa, wali halkeediiye
Hal ineysan naga reebin bay, ku haminaayaane
Dhiiggeena halacdiisu wow, hogo kaliileede
Mid hagoogta soomaalinnimo, hohe la moodaayo
Ayuun bay hunguri galinayaan, gaalo waa halise
Hubna nooci uu doonayey, horey u siiyaane
halgan bay dhahaan qolo heblaa, laysay reer hebele!
Asaguna bahdoo habacsan buu, heegan galiyaaye
Hujuun iyo wuxuu soo rogaa, hayb saraan ahaye!
Markaasaa hayaay iyo hayaay,qeylo huguntaaye
Mid kaloo hinaasaa dagaal, huwiya kooxdaase
Dabkuu huriyo gaal, muumin baa, holici gaaraaye
Hoobiyuhu wuxuu dilahayaa, dumar hagoognaaye
Shacabkoo harsanayaa gantaal, hawle kiciyaaye
Soomaali waxa hoogga baday, hororta weeyaane
Ka harana dadkii lagama karo, weydin hodayaane
Sida geel horweynoo nin lihi,howdka ula guuray
Ayuun bay ka daba heesayaan,hogiyo jiilaale!!
Qabqablaba hortiis waa dhaqneyn, waana la hubaaye
Beluu noo horseediyo dagaal, la isku hoobtaaye
Hororkiyo waraabaha u loog, hanadyadeeniiye

Afartaas hikaadshaye haddaan, hadalka soo koobo
Inta ila halmaashiyo anaan, hadalka deyneyne
Dadkaan la hadlayaa male dareen, waana la hubaaye
Horaa looga quustoo dhammaan, waa hanfadayaale
Halyeygii Suldaan Tima Caddoo, hiillada u muujay
Hunguu kala hayaamiyo inaan, cidi ka hoosqaadin!


Hayeeshee mar uun baa la helin, hanadyo dhiiloone
Duul horumar jecel baa u kicin, horinta Soomaale
Halka lama huraankaahi waa, dib u heshiisiine
Nimankaas is haaraamayoow, hiifidda an deeyno
Aduunyadan la kala haadsadee,dayaxa loo heermay
Calankeeni hoos buu galee, hiil u tara maantay
Wax la huuriyaa waa qurmaan, harag sidiisiiye
Ninkastoow halkaad taban u sheeg, kaad hubka u qaadan
Dadku waa idiin heellanyahay, inaad heshiisaane
Hal mar uga farxiya waxay rabaan guul u hoyataaye

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo