“Meel la yidhaahdo Huurso oo ku taal dalka Itoobiya, ayey dawladda dhexe ee dalku shir ugu qabatay qawmiyadaha kala duwan ee halkaas ku dhaqan. Soomaalida oo ka mid ah qawmiyadahaas, ayaa shirkii ku tagtay tafaraaruq iyo kala-daadsanaan.

Gabayaagu wuxuu aad uga xun yahay kala-qaybsanaantaas lagu ibtileeyey Soomaalida, isagoo ka soo horjeeda beel-beeleysiga. Wuxuu si gaar ah u dhaliilayaa rag ay hayb wadaagaan oo uu hiil, garab-gal, iyo midnimo ka sugayey, balse beddelkeedii kala fogaaday, noqdayna dabadhilif u adeega cadow ‘heeryadii-cune’ ah iyo shisheeye nacab ah. Wuxuu ku bilaabay:

  • Hagardaamo mooyee Hartiyow, kaama suga hiile
  • Wuu kugu habsaama, ninkii kaa isku halayne
  • Halla uma taraysaan, kolkay col is hujuumaane
  • Wuxuu hooda leeyahay, hadduu kaa ammaan helo e
  • Halkudhegidda ceebaha tolkaa, yaad heli taqaanaane
  • Huqdi waa u meel ool, nimaad hilib wadaagtaane
  • Laakiin intaad horukacdaan, ma hinqanaysaane
  • Hareertaad jirtaan baylah baa, haw kasoo tidhiye
  • Halgan baa socda oo ciidan, waa la isku haystaaye
  • Heer waliba kii kale, inuu hororo mooyaane
  • Nabad looma soo hoyan carriga, tan iyo Haabiile
  • Adna hoygii laynagu dhalay, yaad ka harjadaysaaye
  • Waligay hal tuulana ma maqal, meel aad hanateene
  • Dadkii wuu hayaamaye, maxaa xeebta kugu haysta?
  • Intaadse aniga igu hawlan tahay, eed i hadal  hayso
  • Haaraanka beenta ah intaad, igu halgaadayso
  • Ogaadeen habdoole iyo intaad, habad ku sheegayso
  • Cali Dhuux halbuu yidhi, intaad higiro moodayso
  • Haddaad heerin weyn tahay, maxaad hawl ah ood qabatay?
  • Wixii hore aan kaba soo hadhoo, haayidii dhiga e
  • Hadda Habar-Dugaageed, sideed Huurso ugu raacday?
  • Intuu kuu hogaansaday siduu, hilibka kuu siiyey?
  • Hoomaaq  la ii qoday sideed, hog ula saynsaabtay?
  • Ma halmaantay Iidoor siduu, hanaqa kuu gooyey?
  • Hindisa sideed ugu darteen, hiilka Gadabuursay?
  • Heshiiskii aad la gaadheen Gurgure, yaa isu kiin heegay?
  • Sowdigii hordhalad baan ihiyo, hanadka ii sheegtay!
  • Halkay aaday boqortooyadii, laydin yidhi hooya?
  • Ma wax idinku haystaa jirood, hawl la qaban weydo?
  • Inaad hanatid soo kuma wacnayn, ood hormuud noqoto?
  • Maxaa hoos-ka-tuurka iyo xinkiyo, hagaga baas keenay?
  • Sidii magacan laydiinku huray, uma hagmaysaane
  • Hayinna kuma wanaagsana inuu, heeryo diid yahaye
  • Ma horqaada geediga ritigii, aan hogaan barane
  • Idinkana habdhaqankiinu, waa mid aan haboonayne
  • Hayalsami inaad yeelataan, la hubsan doonaaye
  • Hadalna lagaga maahmaah, abuur waano ka horeeye
  • Ruuxii hurdeed toosisaa, waysla hebelkiiye
  • Qof hadduu habaabo oo lumo, oo hero deydayayo
  • Halkuu aaday gurigoodii baa, ula haboonaaye
  • Bal agow hadduu hubo, cidlada uma hadaafeene
  • Hartiyowda magacaa iga maray, haybta guudnimo e
  • Inta kale hujuunkoodu waa, iaga hadhaayaaye
  • Hawaadee ujeedadana waa, laysla helayaaye
  • Habarwaa tolkood kagama baxo, hawl la qeybsadaye
  • Warsangalina maan helin, waxay naga haleeyeene
  • Walibana hanaan gobonimiyo, haybad lagu sheegye
  • Dashiishana intuu hiiliyaa, hilibku diiraaye
  • Majeerteen hareertaad jirtaa, layga haadsadaye
  • Hanbalaalaqsanideenu waa, hohee daraadaaye
  • Mana waydaan waxaad harawsato, oon kuu aqoon horaye
  • Anna waanigii kaa hanjabay, kaana haajiraye
  • Laakiin hawadintiinu waa, noo hurti la’aane
  • Hurgumo iyo calool-sumo inay, heerka kala gaadho
  • Anigoo raggaan la hadlayow, hiiftan ula jeedin
  • Haansaabka gabaygaygu waa, inaan hagaagnaaye
  • Heshiis daacad ah oo waxaan rabaa, aan ku hiranaaye
  • Waxaan u hanqal taagaa midnimo, loo hogaansado e
  • Lamaba hubase laakiin inaan, idin helaynaaye
  • Ninkastoo idiin habar-wacda, oo gacan idiin haadsha      
  •  Hinjijiirsan maysaan intaa, hagaro beeshaane
  • Arintiinu waa ‘ha iyo alif’, miim la hoos dhigaye
  • Arintiinu waa ‘ha iyo alif’, maya ku hoostaale
  • Hadal iyo dhamaantii runbaan, idin hiraabsiine
  • Gacal heelan baan ahay, ma qabo hiijo godobeede
  • Haansaabka dulucdeeduna, waa hooya kaalaya e
  • Haah iyo haddii aydaan haye, iyo odhanin hawraarsan
  • Oydaan habsami weyn u qaban, hawsha dhiniciina
  • Ama aynaan hanaan lagu qanco, iyo hadaf cad noo sheegin
  • Yeynaan is haaraaman waan, kala hadhaynaaye
  • Anna maalintaan libinta helo, een hantiyo guusha
  • Walee Hebel Saleebaan danbow, kulama haasaawo.

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo