Gabaygan Abwaanku wuxuu tiriyey laba dayrood ka dib deyrta caanka ah ee loo yaqaanno Xays Ballaayo.

Wuxuu gabaygan kula dagaalamayey gumaystihii dalka yimid ee cagaha ku jiidanayey qabaa’il Soomaaliyeed oo uu ku gabbaraaran jiray. Ciidamada uu gumaystuhu ka qortay Soomaalida waxaa ka mid ahaa kuwii la odhan jiray:

Kulladley

Fulladley

Gambo Cad

Rayad

Xasuusin: Kooxda Rayad waa kuwii aad maqasheen ee Ingiriisku, jabkii Daraawiish ka dib, uu ku soo kiciyey deegaanka Ogaadeen, ugu dambaynse ay ballaayo ka raacday.

Gabaygan wuxuu ku yidhi markii uu co

lka u diyaarinayey dagaal ka dhacay Daratoole (oo ku dhex taal Daratoole iyo Faafan). Dagaalkaas oo uu Af-Durdur ku jahaadayey Fashiistaha iyo wixii ag taagnaa, ayuu hadalkan gabay ku yidhi:

Haddaan dhimano geeridu kolbay, nolosha dhaantaaye

Dhaqashiyo marbay kaa yihiin, dharagtu xaaraane

Rag dharbaaxo quudheed dugsaday, dhaqayadeed maalye

Dhashaadeey sugtaa xaajadaad, dhawrataa abide

Dabka nimanka loo dhiibtayee, ina dhex luudaaya

Iyo xaajaduu nagu dhudhumin, gaal dhafoor caddiba

Aan ka dhimano mooyee waxaan, dhawranaan jirine

Ninkii ciil ka dhaansami kareen, dhiiggu kici doonin

Iyo fulay dhaddigi Xaashiyoow, ha iska dhuuntaane

Dhabarkaygu maba qaadi karo, dhaxalka ceebeede

Warankayga dhaabtaye dagaal, yaa u dhalandhooli

Ninkii geeri waa loo dhashaye, dhirif hayow soo kac

Oo kaan dhiidhiyeynow isdhiib, naarta dhacadiide

Dagaaladaa uu kula jiray gumaysi iyo gumaysi kalkaal ururay ayuu ku shihiiday. Allow kuu naxariiso.


Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo