• Inaan laaqsho mooyee waxaan, meel u ladi waayey
  • Leyl iyo nahaarkii waxaan, maansadaw laliyey
  • Lushna shira dhexdeedaa waxaan, uga likaysnaaday
  • Isticmaarku siduu noo lunshaan, laxaw ku sheegaaye
  • Wallee inayna laakiin ahayn, laydha socotaaye
  • Libin baa dhow ruuxii jihaad, laabta ku hayoowe
  • Lalabahaa waxaa shiday raggay, looxa u dhigeene
  • Shacbigii lulmaysnaa wakaa, qaylo laasimaye
  • Lugbaw kabantay Soomaalidii, baratay luufluufe
  • War haw liicinaay Xabashi, waan lagatamaynaaye
  • Nimankaa siddii dibi lix jir ah, luquntu waynaatay
  • Intay legaga buurbuuranyiin, luun iska ahaad
  • Laanjaha markay fuulayaan, lugo ku rooroora
  • Barwaaqada intay leefayaan, luusa garawgiina
  • Intay labanka daaranahayaan, lebi ku gaajooda
  • Iyagaa sariir leexsadee, luumiyaha seexda
  • Quruumaadka laydhiga Carbeed, laabis kala qaata
  • Lafta dhabar siday uga jabaan, laaca waligiinba
  • Libaaxdaa koraysaan nahaye, hayna loogina e
  • Waagaad laxaadaysataan, lowga kala fiiqa
  • Laakiinse maantaynu layn, waa laf-qabaleeye
  • War haw liicinaay Xabashi, waan lagatamaynaaye

Intaas ayaan Gabaygaa ka helnay.


Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo