Gabaygii:Β Ha-Karaamo-seegina
Maamulkii Ingiriiska ee Gumaystaha ahaa ayaa waxuu go’aamiyey in geel laga soo dhaco “Reer Faarax Hagar” Arintaas cududa ciidanka Gumaystaha lagu meel-mariyo iyadoo loo adeegsanayo kuwii askarta u ahaa beel ahaana ka soo jeeday ISAAQ/ IIDOORKA.Ciidankii soo duulay oo laga digniin-helay ayaa waxaa fooda is daray ragii geela lahaa oo uu Aadn -Carab Hormood u yahay Askartii ingiriiska halkaas baa looga adkaaday geeliina looga dhacsaday!
Dagaalkaas Adan-Carab wuu ku dhaawacmay gacanta midig ayey xabadi kaga dhacday , sidaa loogama hadhine isagoo dhaawac ah iyo dhawr nin oo kale dagaalkaasna ay ku wada jireen ayaa la qabqabtay, waxaana lagu xidhay Xabsiga Burco.
Wali iyaga oon la xukumin ayey xabsiga ka baxsadeen,kuna soo noqdeen rugihii horeba loooga qabtay iyo hawdkii ay geeleeshoodu joogeen.Adan-Carab oo gacani u Shakaalan tahay kolkii uu reerihii ku soo laabtay ayaa dadka qaarkii wax layaab leh ku noqotey.Waxay filayeen in uu xabsiga ku raagi doono ama la dili doono ayaa qolyo reer Burco ah jeclaana in la soo sheego geerida Adan_carab una jeellanaa dhibka Adan carab isla dhexmareen Adan Dhimay!!! markaas uyuu gabay u marshay isagoo u sheegaya in uu Nool yahay iyo wacdarihii uu gaystay si dulmarna u tilmaaya Tixdan dhamaadkeeduna Somalidu ku Hal-Qabsato waxuu Yidhi:-
Gaalkaa Kismaayiyo ka yimid koonfur iyo Jowhar
Kiis tuugo oogada intuu nagaga kooreeyey
Kolanyiyo bileys nooma dirin kelebta waaweyne
Kuukaayadii buu na sudhay koodhadhka xumayde
Anna kiin xukumayaan ahaa koos dhan oo idile
Kala saajin bay soo diriyo kaabul ma aqoone
Konton qaaddiyo uustar-gaab kidha intaan qaatay
Ma kammi’ine shiishkaan sidii kaamil-koor ridaye
Kabnigaygu diid maalintaas kararra’-ceebeede
Aniga midii lay katibay layla kulansiiye!!!
Kalka iyo markii gacanta midig keybku iga gaadhey
Kun qolaa jeclayd inaad xabaal igu kisaysaane
Kelmadaan lahaa baa dadkii ii kohsanayaaye
Kasgaabka iyo shisheeyuhuna way karin lahaayeene
Inkastoo kitaab iyo quraan la igu `kow’ siiyo
Kabcadii horteed inaan dhintaa kaafka kuma taale
Anay kibisi ii nooshahaan laasan kadabkayga
Ha karaamo seegina habaar laygu kari waaye!
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed