Gabaygii: Guulihii abuurtayow

Gorse Biixi Qaley iyo Ismaaciil Mire waxay ahaayeen labo nin oo saaxiib ah oo wax isa siin lahaa. Ayaan baa Gorse wuxuu lsmaaciil u ballan qaaday tulud geel ah haddii intii waqti ah ballanqaadkaas laga joogo ayuu Ismaaciil wiil uu dhalay Gorse u diray oo ku yidhi, «Maandhow orod oo Gorse tuluddii uu ii sheegay iiga soo eri». Wiilkii markuu tagay ayaa Gorse ku yiri, «War geela odaygu lo’duu ka jecel yahay, lo’diina waa iga maqan tahay anigaa usoo eryi doona kolka ay timaaddo ee adigu iska laabo». Gorse siduu marna geel baan bixinayaa u la’ haa marna lo’ ayay muddadii lix gu’ isku taagtay !.

lsmaaciil kolkuu arkay inaan saaxiibkiis waxba ka soo socon ayuu u yeedhay oo ku yidhi *war waxba hay siine soo dhowow oo dhegta u dhig waxa aan soo wado! Kolkaas buu tixdan geeraarka ah u mariyey. Wuxuu yidhi:-


Guullihii i abuurtayow
Hadday geedo ka raagto
Guuldarraysto’ jiiddo
Garo taag daranaa !

Guullihii i abuurtayow
Moodhar guudka la joojiyo
Gammaan meelmarsanaa!

Guullihii i abuurtayow
Gaadiid xoog badannaa!

Guullihii i abuurtayow
Gaajo qoob culusaa!

Guullihii i abuurtayow
Guumeys reer u shaqaysiyo
Guni xaajo xumaa!

Guullihii i abuurtayow
Geeso weyne biciid iyo
Rag ninkii godobeysan iyo
Dhabcaal goonnisanaa!!

Guullihii i abuurtayow
Golxaalow jabayeey iyo
Gablamaay diriraay iyo
Geesi haadku gigaayo
Goobi hoog badanaa!!

Guullihii i abuurtayow
Giir-bey oomi okaa!!

Guullihii i abuurtayow
Geelu qaalisanaa!!

Guullihii i abuurtayow
Ninkii gaari wanaagsan
Gogosheeda ku seexday
Oy hadba gaash ku deyeyso
Gacaleeyo fogaa!!

Guullihii i abuurtayow
Goombaar uu jinni qaaday
Ninkeedii gob ahaa
Gabtay reerkii u siiyey
Marriinkii u gaatey
Ku geylaamisey boodh oo
Durba goonyaha jeexdayoo
Hadal aan gar ahayn
Oon garawshiiyo lahayn oo
Gega meel la fadhiista
Garbadh uun likaysanoo
Ku Nasaaro gedkeed iyo
Gocondhaa kululaa!!


Guullihii i abuurtayow
Haddaad geedkan ka guurto
Asaad goobtan degeyso
Geeddi hawl badanaa!

Guullihii i abuurtayow
Guga maanta la joogo
Lix gugii ku ahaa
Tuluddaan ka guddoomay
Uu marna geel ka dhigaayey
Marna Giir ka dhigaayey
Abaalkeeda guraayey
Iiga soo go’i weydaye
Gadh weyn baaba ku yaalle
Ninkii gaal la shaqaystiyo
Gorse been badannaa!!

Murtiyosuugaan

Qalinkii. Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo