Gabay: Goobjoog

Gabaygan Abwaanku waxuu tiriyey dagaalkii ka dhacay Tuulda Haye ee Habarjecladu Degto, ilaa gowlalaale ilaa balidhaye,waa dagaalkii sida maqal mareegaha loo furay reerka Birta looga aslay Adan carab naxariistii Ilaahay ha siiye uu dagaalkaas raga abaabulay ka mid ahaa Dagaalkan Gabayo badan baa laga tiriyey, iyago oodhana waan soo galin doona, Adan carab waxuu yidhi :-

Codkiisuu bogtaa aar haduu coodi loogsade’e
Habeenkuu cashada deeqda helo camal higoodkiise
Cartankiyo jibaadkaad waxuu cunay ogaataaye
Anaguna caraad baan aqaan caawa oo kale’e
Cuud iyo hadaan goobtii helay amase ciilbeelay
Warku how cadaadee bal maan caalamka u sheego
Inkastoonba curadba u ahay inaan canaan qaado
Colka oo duulan maalintii hadii la i caleen saaray
Cimrigiisu nin uu dheeryahoo caarif aan ahaye
Waa lagu casali baan is idhi caana waad tahaye
Caqligaan ka fiirsaday tashiga kii u cidhib roone
Waxba nolosha lama caabudee ceebta ma ilaashay

Kolse hadaanan caafiyad dab iyo ciidan tabanaynin
Casar iyo inaan duhur wax galo caariyaan bidaye
Waa caado tuug galab in aan ceelka weeraro’e
Ma cadceeda oo soo baxdeybaan cudud idiin sheegtay
Cadadkeeda guutada miyaa samada caad fuulay
Ciir iyo habaas qudha miyey dunidu cowlaatay
Markii caara dhuubtiyo la riday saban cabaadaaya
Shinbiraha cidoodiyo jugtii fule ma cayntaaray
Ma caraystey qaaraan dhulkaba cagaha saaraynin
Geesiga dagaalka u cinbaday ciidhe ma utoogtay
Cirka lama marshee shiishka hoos ma ugu wada ciirshay
Ma ku culay buntukhu dhowr gu’buu naga cabaysnaaye
Midna looma caaline sidii cawsha ma useenay
Caydiga ma laynee nin raga caymo ma udiidnay

Cuqli waalid waa ubadka kaca waalidka cisayne
Caanaha hablahayaga kuwii soo cabaye nuugay
Ee lagu canqariyaa iblays soo cawaansadaye
Iyagaa cashiirada na baray loo cariigsado’e
Casar iyo miyaa garashadii lagu caqiibeeyey
Nin kastoo calaacalay miyaan ugu calool daacay

Dhaaxaa kufrigu caawiyee nagu cadaadsheene
Ingiriis carow waana kii cawda loo jaraye
Ma cidlaan ka helay gaalo aan lagu cabanaynin
Waa taan cadaadaye timihii iga ciroobeene
Ku mana caar guduudeyn xinaha lagu caseeyaaye
Sidii ciistihii hore miyaan dhiiga ku cilaantay

Haye waa carada ay dhawaan nagu cidhiidhyeene
Caasimada hawd buu noqdiyo cadan yartoodiiye
Isagoo camiran baa doraad la igu caasiyaye
Kun calaamad laan soo dul dhigay oo cadaawaha’e
Bal inay cawaan wuxu yihiin malo caruureed leh
Dhar cagaaran iyo mood wixii guriga ceegaagay
Ilaa cadayna kama qaadanino weys cajabiyeene
Carwaan mooday subaxdii markii ay nooga carareene
Ma ku caranay awrtuba dhirtay caasha marisaaye

Gobaa culuse nabadii tolkay u cidi jiidaayey
Waa taa intaa caarideen cunaha taagteene
Intaan duul indhaha kor u calaqay hoos usoo celiyey
Ee aan cidaadaha ka dhigay soona cigan weyday
Cilmi iyo rag taariikh watoo caaqilaa furiye
Cali daalin iyo baa na garan coomirka isaaqe
Cashuun baan jabshaa habarjecloy duul cantarahaye
Hadaan maanta calankii qabsaday ceelka laga taagay
Cajaladaa naloo soo diraa cunugu keenaaye
Carabkii qoyani waa hadlaa hay canjalafayne
In cadaalad sheekadu gasho baan kaa codsanayaaye

Afartaa cayaartii libtiyo ka cukanaantii dheh
Cumar iyo markay Samatar gabay nagu casuumaan dheh
Cawl iyo gu’goo cirir ku jira curashadiisii dheh
Bal aan waliba kama caajisee caarada u saaro

Casaawiirta nimankii lahaa boqolka cayn cayn ah
Ee idin cadaabee banaan idinka cayntaarshay
Jeereey wadaad caabudeen cuqabadoodiiye
Waa taad cagaag iyo kuraha ku cadibnaydeene
Ee aad sengaha cal iyo buur kaga carceerteene
Cariskaba hadaan idin tusay aad ciir ku lulateene
Nabsaa curiyey cayn iyo nugaal inaad ku ceeshtaane
Canjilka iyo sinaantuba waa cawri aadane’e
Iminkana fufkii baa cigtayo soo cawaal baxaye
Marka inaan cashuurtiyo dhibkii dib u cusbooneeyo
Yaa faras camuudaa ka badan loo carbinayaaye

Cabdi maahir jeeskii dhalaye coodinleba qaatay
Cibraanka iyo sanbuur kaan lahaa cuna tigaadiina
Waxba yaan canbaarayn dar aan ciidanba ahayne
Dadka qoloba cuurbow tashoo la ictiraafaaye
Reer yusuf ciid kuma sugayn caydhiskii shalaye
Carootigii subax nimay na carcarsheeyeene
Goortaan carcooriga hadhkii dirir cusbooneeye

Waatay calfahii iyo qubeen kabo carbeedkiiye
Celiyaayda fiigaha miyaa caato nagu reebtay
Ku waa caayayee eray xun sow kama cadhoon waayin
Ma cabiidshay ina kaahin baa loo cimaamadaye
Cawaday anoo nool hadii aan calaftidaa gaadhay
Markan soo cimraysiyo xajkii u citiqaad ma’aha

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo