Maansadda: Gurracan
Maansadan gurracan waxaa ayadana curiyay abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi. Maansadan waxa ay ka hadlaysaa dhaqan guurka ku dhacay ummadda soomaaliyeed meelkasta oo ay caalamka ka joogto. Maansadan waxa ay si aad ah ugu dheeraanaysaa dhaqankii hore oo samaa oo ku salaysnaa Shareecada Islaamka sida loogu tuntay oo aan u qaadannay dhaqamo kale oo ay leeyihiin dadyow aan ku kala gadisannahay diinta dalka iyo midabkaba. Maansadu waxa ay ku bilaabanaysaa sedan.
Soomaalaay garashalaay
Dad xumaha u geeyfanoo
Samaanta an garaninneey
Ka hela gardarriyo dhibkaay
Wanaaggana geesmaraay
Dad wada goodinahayoo
Kurtood isku guuxayaay.
Waxaannahay garashalaay
Dad daga geeska Afrikoo
Qabyaalad ku gaamuroo
Waxkale aan garanaheyn!!
Waxaan nahay garashalaay
Dad aan garashiyo aqoon
Meel dheer aan ka gaarinoo
Haddana aan laga garhelin!
Waxaan nahay garashalaay
Duq guudkaa sare cad iyo
Gabanka dhowr sano jiraa
Sidey isku gado yihiin
Intey isku goob tagaan
Dad ay isku gooddiyaan.
Waxaan nahay garashalaay
Kuwii geelleena dhacay
Hasheennii ina Gobaad
Gaawaha xoor kale ka dhamay
Dad gacalkood moodayoon
Marnaba godobtooda maqan
Aqoon geesteey jirtiyo
Halkii laga goobi laa
Waxaan nahay garashalaay
Dad diintoodii gatoo
Gaalada dhaqamada xun iyo
Ku raacay gef key faleen.
Halkaa gobo’ daa ku daa
Gadaal ugu noqo hidaha
Waxaan soo gaaray waa
Soomaaloo gacal ahoo
Gayaan iyo xidid ahoo
Hiddiyo dhaqan gaara lee
Waxaan soo gaaray waa
Gayiga soomaalidoo
Dadkoo dhani gacal yahoo
Dhammaan gacmahays qabsado.
Waxaa xigey garashalaay
Markii gayigii burburay
Markii gobollada la gubay
Amnigi gacanteen ka baxay
In diintii laga gudboo
Gumaadka dadkii is dhalay
Guntiga loo wada xirtoo
Qoloba gobolkeey laheyd
Go`doon loogaga dhigoon
Cidina isku gooshi karin!!
Waxaan soogaaray waa
Guurtida soomaalidoo
Talada loo geeysto oo
Gartana eex aan ku naqin
Waxaa xigey garashalaay
Inney laaluush gurtaan
Ninkii gata maalintaas
Gartana ugu hiilliyaan!
Waxaan soogaaray waa
Dadkeennoo geyfanoo
Xumaan ruuxii galaa
Bulshada gaar uu ka yahay
Waxaa xigey garashalaay
In ruuxii gala xumaan
Asaga garab lala noqdoo
Gartiis weeyaan la dhoho!
Waxaan soo gaaray waa
Gabdhaha soomaalidoo
Gef iyo aan falin xumoo
Goonnooyinka gaabanoo
Gadaal laga jeexay iyo
Maryaha gaalada an xiran
Waxaan soo gaaray waa
Gabdhaha soomaalidoo
Diyaano an gadaninoo
Galkana iska qaadinoo
Midabka gaaroodigoo
Gayiga ugu fiican loo
Xumaantaan aan dhex-galin.
Waxaan soo gaaray waa
Gabdhaha soomaalidoo
Dal kale an u gooshinoo
Ilaa eey guursadaan
Guriga hooyada ku nool
Waxaa xigey garashalaay
Iney gabdhihii gataan
Wax diinteennii lagu gefoo
Midabki Guulle u dhashana
Intey iska guuriyaan
Gal kale ay lasoo baxaan!
Ayaga oo giigsanoo
Goonnooyin ku dhuuqsan qaba
Intii laga baxo guryaha
Gadaal aan loogu noqon
Habeenkii galin dhexana
Gaad gaadkiyo filimadiyo
Gidaarada lagu tar tamo!
Inlleen dhaqan guurey iyo
Naflaha rubadiis go`diyo
Galbeed roobkii ka da`a
Gadaal uma soo noqdaan!
Halkaa go`bodaa kuddaa
Gunaanadka aan dhahee
Waxaan maansadan gurracan
Kusoo gaabinnahayaa
Dadoow is garwaaqso oo
Gadaal ugu noqo Allaah…
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed