Abwaan Qamaan Bulxan wuxuu gabaygan tiriyey xilli uu aad uga walbahaarsanaa xaaladda xaaskiisa Barni iyo sida ay ku dambeyn doonto, isagoo is-weydiinayay in ay mar uun gurigiisa ku soo noqon doonto iyo in kale.

Nin la odhan jiray Haybe Cabdille Axmed ayaa arkay Qamaan oo fadhiya meel ka baxsan guriga, hoos u foorara oo dhulka gudub iyo qotanba u jeexaya (calaamad muujinaysa feker qoto dheer iyo walbahaar).

Markaas ayuu Haybe ku yidhi: “War Qamaan, hoos unbaad u foorartaa oo aad gorosaysaaye (fekeraysaaye), bal ina keen aan tagnee aqalka, aan halkaa ku yara sheekaysanee.”

Qamaan wuxuu Haybe ugu jawaabay tix gabay ah oo ka hadlaysa xanuunka iyo welwelka aanu heli karin nasteexada, waxaana la filayaa inay meerisyadan ka badneyd.

Wuxuu yidhi:

  • Gartay weeye Heyboow inaan, gorrodda laadshaaye
  • Waxba gaar ha ii dhigin huradada, gama’ la ii diidye
  • Rag wax gaadhay naagtii uu qabay, guurna lagu sheegay
  • Iyo gabas mariid ah oo ku dhacay, goojigaa hilibka
  • U gudboone labadaa halbuu, ga’ma la diidaaye
  • Guska iyo xinniiyaha ninkii, laga garaaxyeeyey
  • Aniguna gaddii baan ahaye, guriga hay gaynin
  • Nimay qaaxo feedhaha gashay ooy, malaxi gaashaysay
  • Gig hadduu yidhaa maydhaqaan, gocosho daynayne
  • Wad gudoonsay saadkanaa ninkaa, guraya weeyaane
  • Aniguna gaddii baan ehee, guriga hay gaynin
  • Geenyada bakhtiday kii arkaye, gudub u raadgooyey
  • Ee goobay madaxeeda yaa, iga garaad roone
  • Aniguna gaddii baan ahaye, guriha hay gaynin….

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii: Mr. Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo