Gumburo iyo cagaarweyne iyo geedkii Daratoole (Ismaciil Mire)
Gabayga hoos ku qoran waxaa mariyey Ismail Mire oo ahaa Darwiish, Halgamaa, Gabyaa iyo waliba abbaanduule weyn Gabaygaan waa Gabay ka turjumaya Taariikh weyn, wuxuuna ku tusayaa sidii la isugu baaba’ay
labaatankii sano ee uu socday halgankii Daraawiisheed,. Waxaa la wariyey Ismaaciil Mire iyo wadaygiis Xaaji Mohamed Cawl inay reer ku soo hoydeen. Qof dumar ah oo reerka joogtay ayaa Ismaaciil maagtay oo waxay ku tiri,”wiilashaydii adaa laayey, awrtaan ku guuri jirey iyo arigaygiina idinkaa dhacay, wixii guuldarro i gaarayna idinkaa ii geystay”. Ismaaciil ayaa hadalkii islaanta ka xumaaday oo garaysan waayey, maxaa yeelay wuxuu rumaysnaa inuusan u qoolmi karin wixii daraawiish iyo dadkii kale kala gaaray labaatankii sano ay halganka ku jireen Dabadeedna wuxuu yiri:
Gelin dhexe xalaan Maxamadow geyrtay oo kacaye,
Gam’ina waayey hadalkay i tiri gacallow naagtiiye,
Adigay gabley tiri markaad gaaska wadateene.
Waxay tiri adaa igu gondolay garangartaan iile,
Waxay tiri aday guridhigoo ma lihi gaadiide,
Waxay tiri adaa gelengel tubay garayartaydiiye,
Waxay tiri guyaalkii adaa gaajo ii dilaye,
Waxay tiri gurboodkii adaa geesuhuu dhigaye,
Guhaadeeda aan jirin balaan gabay ka soo qaado.
Gumburo iyo cagaarweyne iyo geedkii Daratoole,
Goobtii Jidbaaliyo Xargaga guuldarradii joogtay,
Gembigii ka dhacay Ruuga iyo gudurigii haagay,
Gabooddeeda Beerdhiga wixii la isku gooraamay,
Maydkii gabraday seerigay Good ku tumanaysay,
Gawarkaad maraysaba laftaad galayaxaa mooddo,
Ogaadeenka gaanka ah wixii geydho laga qaaday,
Iiddoor cayuun godan wixii gelin la waydaarshay,
Shirshooraha gudbani cayr wuxuu gorof la meeraystay,
Garcas iyo Majeerteen wixii guuyo laga dhaarshay,
Gob ninkii ahaan jirey wuxuu gibil madoobaadey,
Giddigiis naflaa’iga wixii gobolba meel aaday,
Dayuuradaha gowliyo wixii samada guuraayey,
Daarihii gelgelintaa noqdiyo gebiyadii ciiray,
Wixii guuldarriyo hoog ka dhacay dunida guudkeeda,
Gembiyo jahaadkii arlada gaday wixii joogay,
Gaaliyo Daraawiish wixii uunka kala gaaray,
Keligey ma wada geysannine la isku geeryooye,
Geyigii rogmaday oo dhan baad guudka ii suriye,
Waxbana hay gurraynine dembaad galabsanaysaaye,
Gartaa maaha naag yahay inaad ii gilgilataaye,
Gashi kaama qabo oo ma layn gabannadaadiiye,
Gambana kaama furan baan u fili gulufyadaydiiye,
Naa gefkiyo beenta daa yadan gelin godadkii naareede.
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed