Gabay:Guda Tashi


Gabayagan waxaa tiriyey Qamaan, waxuuna u diray reer sheekh cabdille oo u sii dhiibay Aw cumar isagoo maqlay in Afadiisi Barni sheekh cabdille laga furayo oo nin kale loo meherinayo, gabaygani sidaad buu ku yimid waxuu yidhi Qamaan sidan:-

Codka gabay collaadoow nin lagu caasiyaan ahaye
Cirraystay oo ma tirin maansadii calanku saaraaye
Cindiga keena caawaan furfuri ceesh la ii wadhaye

Cimrigay intaan jirray amaan cagaha meel saaray
Een calashay dheeftiyo wixii calaf la ii mooday
Casho noolba sow cadho horliyo cudurti iima aha

Carruur dharagtay caaniyo hadhuudh laga ciraab roone
Camma doqona caalliyo dhul saw canug hallayn maayo
Waa caamo nimankaan ogeyn ceeg markaan tageye
Iyagoo cayilay bay arkeen ciidna laasimay e

Ciriid kulul cagaag iyo rasaas carar la baynuunay
Ciwal gibin ah oo loo xishiyo caafimaad ma lehe
Ninbay cududihiisii gamceed Caliyoow mawdeene
Kolkaad caano iyo wiil tahaa lala cabsoodaaye
WAx calaacal kuma yaal haddii caydh lagaa dhigo e’
Allow yaan cirooliyo tashiga culimo dhaafsiinin

Caaqilkii cidduu daba socdiyo caday ma loo diiday
Niman calan leh boqor caadil iyo curad ma sii luuday
Casharkii la maray soo dorraad cadarkii been ma aha
Kolba kii carjabay sow kitaab lama cusboonaynin
Geeleer cawaagtulena sow caabuq yimid ma aha

Casemaadku nimankuu dhacee caydhu wali hayso
Caqligiina kama fiirinine ma cafiyeen aadki
Sow ceelis iyo reerihii camaladdii ma aha
Allow yaan cirooliyo tashiga culimo dhaafsiinin

Cirkoo roob la wayiyo abaar baa camiri faafe
Cawskiyo biyaha yaa angagi ceelka doogsamaye
Cuudkoo yaraadiyo dhulkaa soo cidhiidhyamiye
Meel aan caruusiyo ahayn sidatan caadh gooda
Oon nabad carada eebbahay uga carrabayno
Car yaa garan cadceed iyo cadceed kob aan ka caynsaaro
.

Kaydintii: Muriyosuugaan

Raacdayntii & Tafatirkii: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo