Gabayga: Golaha yaa keeni

**Gugoo,daay cirkiiyoo godladay garab hilaacaaya
**Guulaamdii roobka iyo fadad isgoynaaya
**gale yuluxa jeegaan gudbana hogolsed keed gaadhey

**Gayigoo barwaaaqaa dhulkoo geedo Iyo doogle
**Geesiyo kagees jeexyadoo labada gawjooga
**Guuyada lamaalaa dhashoo geelu wada haysto

**Gadhoodhkiyo dhaydiyo karuur goraf walbaa buuxo
**Gargardadiyi dixidoo sidii gamal hadhkii yeeshay
**Gamaankii fardaha Iyo ugaadh gaar uwada daaqa

**Gaagaabanoow adhigu uu feedha wada giijo
**Gucumaale aariyo shabeel gaafka ka ciyaaro
**Goodkiyo abeeskoo amniga giijin dhinocooda

**Gidi noolohoo wada dhergoo guule ku xamdaaya
**Goolowday nabadii dadkuna gacal walaloobay
**Dhalinyara isgurataana ay sacab ka gawasiiso

**Googooska jiibkiyo wiglada laysla garanaayo
**Nimcadaa iswada gaadhayee guule Ina siiyey
**Waxa jiray dad aan garanin oo teneg garaacaayey

**Gundhigii hadaan wada heliyo dhaxalkii ay goysay
**Niman gaara oo cadaw uu garab ku taageeray
**Guryasamo dadkiiyoo ku sugan gubaya reerkiiye

**Oo wada gafuur buuranoo aan la garanaynin
**Gaalkiyo islaamkana u siman waa ged yaabadane
**Gadh castiyo cuqaashiyo dhaman gooye ubadkii

**Gudin saawiraa lagu qalaa biri ma gaydiiye
**Yaa garanayoo sheegi kara waa gunimo wayne?
**Guumaadkiyo wixii ay galeen gogol ku waydiinin?

**Garnaqsiga kumaw sheegayoo golaha keenayaa?
**Garta yaa la gelayoo shacbiga wada garwaaqsiinin?
**Intii nabada geed dheerka ridey yaa maxkamad gaynin?

**Gumaystihii kuwaa nagaga daran yaa wax garan siin?
**Gaaleefta nimankaa watee gudurka boobaya
**Gorilaha dadkii laaystayee gees walbaba seejey

**Baarla maanka guuraynayee gacantu hoosayso
**Goosha abeesada dhashiyo goodkan Iyo diibka
**Guumaysta bahalowdayee micida giilasay

**Iyo kuman gafaaro hadeer anan garanayn
**Adduunyadan la guud saaranyay gaar inoo tahaye
**Garashiyo aqoon baa halqigu guusha ku helaaye

**Miyaynaan marnaba gaasa bixin waa ged yaabadane
**Allahayoow gargaarkaagu waa lagama guuraan

Β Abwaan Murtisame gabaygan wuxuu tiriyay 12/04/2014

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Tixraac: Abwaan Buureed

Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo