Gabayga: Gododle Naagood


Gabaygaan waxaa curiyay Maxamed Dhagaafe Cilmi. Waa gabay garnaqsi iyo talo iskugu jira, waxaana uu kula hadlayaa qof dumar ah. Gabaygaan waxa uu abwaanku ku muujinayaa sida dareenkiisa uu yahay iyo xaaladdii markaas uu ku sugnaa iyo waxa sababta u ah. Qoftaas ayuu ku eedaynayaa inay ku jirto doorosho oo godod kale ay u aasan yihiin ayada oo u caddaysay abwaanka in la siin rabo nin kale asagana ay ku adkaatay arintaas ama dhabar jab ay ku noqotay kadib gabaygaan markii ay heshay waxa ay go`aan ku gaartay wad iyo calaf mooyee in ay u go`do Maxamed Dhagaafe waxna laqabato gabayguna waxa uu ku bilaabanayaa sidan.

Gabar yahay gaduudani adduun,galinba waa heere
Galinkii yimaadana xilligu,waa is gurayaaye
Cimriguna gaddaas weeye iyo,gu’ iyo jiilaalle
Goxoshaaga odayguba marbuu,gaban ahaa waaye
Adna garo asaaggaa ineey, guri kasoo jeeddo.!!

Afartaas guddoon iyo taliyo, garasho waayeel dhe
Guubaabadii Maxamed iyo,gabay akhyaarreed dhe
Aniguna gaddaan ahay markaan, aan ku garan siiyo!

Gam’i waayay waayadan sidii, naag masayr galaye
Gocoshadiyo caradaan qabaa waa, gundheer tahaye
Waxeey gubaya adigaana garan, garabna ii quurin
Galin hore hankaygii haddaan, guudmar ugu laabto
Inaan kuu go`aan doonayoon, gacal ahaannaaye
Gartu labo nin goortay tagtuu, guray wanaaggiiye!!
Abwaankii ka gubay sheekadii, gododle-naagoode
Iminkana waxaan garab sadaa, guuyo iyo cowle
Gurdankii fardaha geela dhacay, baan gigsanayaaye!
Inta xaalku gees marahayana, gooni baan ahaye
Adaa noo guddoonshaye bal aan, gaarka kala joogno.!!

In kastood gayaan ii tahoon, gacalo kuu sheegtay
Oo aan guddoon kuula imid, guurku waa xubinne
Jawaabtaadi good noqotay iyo, gudun lasoo feeyay
Ka gariiray goortaad lahayd, godod kalay duugan
Gooddi baan u qaatiyo inaad, giirka ii kicine!
Miro geed dushiis saaran oon,gacantu gaaraynin
Guntigaaga kuwo kuugu jira, looma qubo goore
Waxaan uga gol-leeyahay adaa, gacan togaalayne
Waxba geesi baa lay xukumay, gaawe how culanne
Annaguba gaddiis baannu nahay, garasho sii dheere
Godob ha`isku galin meel wax marin, guullahaa garanne
….

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo