Gabay: Gobtii


Gabaygan waxaa tiriyey Abwaanka Doolo ka caan ka ah ee cabdi saahid gabaygan oo taabanaya meelo badan Waxuu yidhi:-


Gobta silicday shacabkii la siray sahankii beenoobay
Seerahan Salxaan sii dilay ee Samatar ceebeeyay
Sancadoow dameerkii sangaha laga saraysiiyey
Geenyada surkaa lagu dhuftiyo baqalka soo dhaafay
Ama sidduu suldaankii watay iyo yibirku soo guuxay
Saaxiibyadii kala dhintayee, sooryo kala waayey
Kacaankaa sabuubtaa watay oo, saaba noo galaye
Sinmadiina mooyee dadkaad, siiba lumiseene
Sirta iyo siyaasada haddaan, saa u garanayno
Walee anigan ina-Saahid ahaan, sidan ku noolaanin

Saaxiibayaaloow haddaan, hadalka sii raaco
Runta sooman been sarar cuntiyo, tuugo socodkeeda
Khaa’in dharag la seexdiyo wadani, dibada loo saaray
Seeftuna galkay diidan tahay, saan u galinayno
Arintaa sidadii laga jaray iyo, suuman kay wadatay
Hadaad sooba qaadana inay, suuro gali wayaday
Doqonbaa in aan calan sudhniyo, sugaysa doogaad e
Samadaana lagu laalay iyo, sayladii Xamar e

Dad siloonni seel dhididadaa, subag ha moodeen e
Sixinna ha u maleeyeen saliid, loogu daray soor e
Sunba hadashay sowd been ah iyo, sacabka reedhyoowga
Kala socodka suuf iyo xanjada, sixiradaa hoose
Sharcigay Siyaad iyo wataan, seediyaal xididay
Suugaantu waa saynu nahay, eed ku socotaane

Saacad bayna ceeb tahay inaad, seexataa gogol e
Waa wuxuu samuud dibbi u dhali, weyl na loo sugi ye
Sumaddana sacweyn looma rogo, saad u maqasheen e
Saadaashi waa khalad hadaad, samo filayseene
Shantuna waa kasoo noqo haddaad, guul u socoteen e
Sukraadka iyo mariiqa iyo haddaan, soxolka eegayno
Sanadaha i haystiyo wakhtigu, waygu soo kuday e
Masalana Siyaadoow waxaad nagu samayseen dheh

Afar iyo siddii tobonka wiil soodhka loo mariyey
Ama uu Salxaan ugu dalacay samir Ogaadeen e
Nasiibkaygan siliteeyay iyo, saa anaa is baday e
Soomalidda Galbeeddeeyna, waa tuuga sahankeed e
Sirta iyo siyaasada haddaan saa u garanayno
Walee aniga Ina-Saahid ahaa sidan ku noolaanin

Saaxiibayaaloow haddaan hadalka sii raaco
Suryadaad maraysaba ninkii, bohol ku saynsaabay
Sakaraadka kaagama bi’iyo, inaad sabooshaaye
Ninka sadaqo kaa maanaca iyo, cudur sabeen jooga
Tanag subaga kuu guma shubiyo, sixinka xoolaad e
Nin surwaalka kaa bixiyey oo nigiskii kaa siibtay
Skeiko dukaan taal ileen, kuuma soo gado e

Nin sagaaro kaa qadiyey iyo, jeenni aad soloto
Sararo gool sideed jir ah, ha sugin inuu ku siiyaaye
Waxaanan saa u lee yahay hadaan, hadalka sii raaco
Ogaadeenya waa u sumalka iyo, sida sabeentiiye
Macnuhuu saleeligu ku dhacay, sababtu weeyaane
Ogaadeen siddii sogob cayilay, sooryo loo qalaye
Loo suuldhabaalee siddii, sabi caruureed e

Iyagoo sagaal qad ah la saar, sibi dusheediiye
Soomaaliyaa lagu siriyo, soo uruursada e
Sa’da iyo Siyaadoow haddaad, siinkii kala reebtay
Madaxda kii la saarana dibiro, suunku kala gooyey
Sodonkaa habrood iyo intii, sabiga loo yeedho

Ninka saaka waa nabad sitiyo, sabaydan dhiigeeda
Ragbaaba soodhka lagu sii wadaa, soloyna loo jeexye
Maahmaah salkeed baa ahaa, samirba taag waaye
Waana waysha sidig iyo macnuhu, dibiga soo daaye
Sirta iyo siyaasada haddaan, saa u garanayno
Walee anigan Ina-Saahid ahaan, sidan ku noolaanin
.

Kaydintii: Muriyosuugaan

Raacdayntii & Tafatirkii: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo