Gabayga: Geedi
**Gonda wayne aarkuba wuxuu sebena gaajoodo
**Gaaroodi qiiqliyo wuxuu ayda galasleeyo
**Mar uun buu galoof naaxday Iyo goosan helayaaye
**Markuu guudka kaga boodo oo micida gaadhsiiyo
**Gudurkiyo markuu cuno hilbuhu galan galcoobaaye
**Geelii abaarsaday mar buu gugu u hooraaye
**Gal xareeda goortuu heluu caasha geliyaaye
**Geeduhu markii ay baxaan ubuxu gayn yeesho
**Gargarada markii uu cunu godolka muujaaye
**Naftaan go,in mar uun bay heshaa guusha nololeede
**Guri lagu negaadiyo marbay goolka helaysaaye
**Aniguna mar baan gaadhayaa tayda gaarka ahe
**Oo gacaladii aan jeclaa guri ku xoolayne
**Wali gibisha kama aanan dhigin awrka geediga e
**Guuloow adaan kaa baryee guusha ha i seejin
**Gacan cadaw allaaw yaanan mudan dunida guudkeeda
**Godka aakhirana yaan ku dhicin naarta guradeeda
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Tixraac: Abwaan Buureed
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed