Gabay: Geddistaye
Allaha u naxariistee gabaygan waxaa Tiriyey Qamaan Bulxan, markii maxamed Fiin gabayga tiriyey baa Qamaan ka cadhooday. oo gabaygiisii Ogaadeenka ku maagay isagoo Qamaan iska ilaaliyey inuuku leexdo Habaryoonis. Maxamed wuxuu ka qabaa oo weliba inanlayaal u yahay Ogaadeen Qamaan wuxuu garaysan waayey nin magan ah u ah reerahoodana dakano ka dhaxayso inuu u gabyo, wuxuuna Ogaadeenka ugu baaqay inay dilaan oo qudha ka jaraan Wuxuuna kaloo ku dhaartay inay labada reerood isku go’i doono hadii aan xaal golajoog ah dhakhso loogu keenin Qamaan wuxuu yidhi:-
Nimanyahow rag geeri u batoo, lagu gablaynaayo
Anaa ganiyo anigaa gembiyey, goor kastaba joogta
Oo lagu gartaatacahayoo, gibil madoobaaday
Oo loo gashaday baal sidii, gaalannimo roonta
Oo lagu garrami way la yaab, gole ka yeeraaye,
Oo guriga wada meeriyoo, geela laga faani
Oo maanta geenyo iyo gabadh, goosan kara qaanti
Gabaggabadii Daahyaale iyo, gabaygi loo jeedshay
Sow inuu geddiyo haatan Cali, lama gudboonaannin!
Sow magani tii gaabsataan,gabay lahayn ma aha
Geeraarka iyo faanku sow, Guba la xeer maaha?
Guntigii la furay waa fog soow,lama garwaaxeesan
Goblamoow Ogaadeen haddaa, giirka loo dhigaye
Oon loo garaabayn wuxuu,geystay duudsamiye
Ha gacmeeyo qaankiisu waa,waxan gaboobayne
Alley lehe gu’ baas bay jireen,waana loo galaye
Dirkii horeba gawsaha haddaan,gabadha soo qaado
Oon gorofka cayreed ag dhigo,garangartaan meersan
Oon goraya-guridda qabsado,godob ma yeesheene
Gashi nabsiyey oon geeri iyo, gacan la qaadaynin
Oo kii lahaa kugu gilgili,gaardinh iyo qoolka
Gasabkeeda Eebboow bal yaa, gelin u sii jooga
Gartood weeye maansada inay, nagu garaacane
Galtuu qayli oo had iyo jeer,gamaska uun loolin
Oo gawrac kaa mudan(filan),asaad gacal walaalaysay
Oo gogosha kaa kicini waa, sida Gunbuurkeere
Cawl baa midgaan soo gardiyay, soo gabraar tegaye
Isagaan wax lagu gowriciyo, geerisaba haysan
Golxobtiyola waatoorrayduu,Guray ku noolaaye
Adiguna geddii baad tahoo,ways gunaanadiye
Labadeenna gobol xaajadeer,la siku guubaabshay
Haddaydaan guddiyin oo ciyoon garaw na loo keenin
Wallahaan tix laysugu go’oon gaagna harin sheegi
Geddistaye haddana meel kalaan,kaga gadaal laabmay
Hadalka waad geftaye Maxamadoow.kuuma soo geline
Ma gu’yaride gee xaajadaa,guudka Habar Yoonis
Ama iga gar mari xaal gobaa,iigu kaa go’aye
Markii farasku kula gaabiyee, gegida kaa qaatay
Gaarkoon hayiyo hiilladaa aniga oo gaafan
Xaqa giigay feeraha miyaad,yara gufaacootay
Gam inaad tiraahdaan damcaan, Cali garraaxaaye
Naagtii gambada taabataye, gacanta loo mayray
Oo gelisey meeshii haddana, gabaygu sow maaha?
Geddistaye haddana meel kalaan,kaga gadaal laabmay
Cidluu gagafsan reer Dalal ninkii,gacal tol moodaaye
Gurrure iyo Gadabuursi iyo Gaanlahaa xigiye
Ganku iiguma yaal Ina-Barwaaq,gibilka saameede
Lafahooda guumays xun bay,ganac u siisteene
Ninkii gooya raayaha dhan bay,gabadh u raacshaane
Iga gudhan kuwaasoon gam oran,gaasha libineede
Maad gawracdaan wiilka xune,jooga gurigiinna.
Kaydintii: Muriyosuugaan
Raacdayntii & Tafatirkii: Cumar Ismaaciil Digeed