Gabayga:Gataatac
Gabaygan Abwaanku waxuu tiriyey mar Abaar xun dhacday oo la doogsaday . Ayaa dhalinyaradii markii dhulkii nimco noqdey dhaanto tunteen iyagoo ilaaway Jiilaalkii soo marayWuxuu aad ula yaabay dhalin yarada sida dhaqsaha badan u ilowday dhibkii la soo maray ee intii ay Alle kor ahaayee u mahad celin lahaayeen, dhaantada iyo munkarka ku mashquulay.
Maxamed intuu hurdadii ka kacay ayuu dhaantadii dhinaceeda abaaray si uu wax ugu sheego uguna soo caqli celiyo dhalinyarada duleedka reerka ka jalwinaysa. Wuxuugabaygan dabadeed ka tiriyey goobtii dhaantadu ka socotay Waxuu yidhi:-
Nimanka gaardiyahayoow waxaan, idin garwaaqsiiyey
Gudhiye goortuu dhacaye, uunku kala giigay
Gaajada markii loo dhintiyo, gubayadii oonka
Garlowgubay in joogtiyo markii, gacalku eedoobay
Gabdhihii iyo xigaalkii markaan, garan aqoon wayney
Ee adhi haweenkii gabiyo,
gabadhii raacaysay
Ee gara-habaas laga tagiyo, giiranoow sumalka
Gandaalkii haboonaa markii, giiran laga xooray??
Gurgur qaadku goortuu jilciyo, gaatiyaha owrku
Gallaydii Golweyn tiilay markaan, ganac ku soo waynay
Ee gaanidii naaxday iyo, goolkii la idlaystay
Geelii dhalaayey markuu, milicda gowriiray
Geeyaha habaaska leh markay, gabantu hoos tiilay
Ninkii gabal aroorshaba markuu, rarayey gaadiidka
Goglo iyo gayiga loo dagay iyo, Xero-xun gaafkeeda
Goofkii Tagaabeeye iyo, tan iyo Gees Dheere
Goon-ma-waaye intii, Toomo laga gaadho
Gaawaale Xaaxi iyo, Dhariye geestiisa??
Xidhkii Gowlalaale iyo gabriyo, Miiro gudahooda
Garasleey gargoorkii dusha, Gowlo iyo laago
Gummareey guryaha ilo Goonyo, iyo qaali??
Golduulaan Garaac iyo tan iyo, geeska Coboleey ah
Guro-koraadkii arlada markii, gooshin laga waayey
Galaal xoorku markuu dhacay ee, gaadhku na idleeyay
Gagabo xoog leh markii, goodir laga buuxshay
Gamco hoorsi midhihii markii, xoog la garan waayey
Giblo lama tumaynin iyo, gurbaan la gig siiyaaye
Waa tii ciyaar laga go’iyo, guuxi dibadeede
Waxa lagu gataataca hayaa, soo gu da’ay ma aha
War galadaha Ilaahay maxaa, gabay Abaalkooda
War gaardigeeniyo danbigu, soow guracan ma aha
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed