Gabaygii:Gasabley

Xumaan iyo samaan, guuldarro iyo guul wax alla wixii qofka aadanaha la soo gudboonaada isaga ayaa gasbaday, wax walibana sabab bay ku dhacaan ee wax iskood isaga dhacaa ma jiraan. Falsafadda iyo fikradda caynkaas ah dad badan oo uu Ismaaciil Mire ka mid yahay ayaa rumaysan ama qaba. Maansadan soo socota oo dadka intii taqaani jeceshahay ayuu gabayaagu kaga hadlay arrimo dhawr ah oo dhaqanka Soomaalida iyo dhaqammada kaleba guuldarro ku ah. Nin macaluul iyo gaajo u dacdarraysan, maxaa u keenay? Gabadh garcatay, maxay u garcatay, maxaa hortii u geeyey ? Haweeney kolkii ciddu guurtay iyadii iyo ayalkeedii degelkii looga tegey maxay eersatay ? Naag da’ah oo aan tacab Iahayn, wax u gargaarana haysani ma­xay galabsatay? Meel dagaal ka dhacay oo dad badan haad ku kigaayo, Maxaa u horreeyey ? Nin aakhiro Cadaabta loo taxaabay maxuu mutaystay ?


Guulaantayda habloodoo
Garoorkii iyo ciirtii
Ku ladnaatay gugii
Gurigooda dushiisa
Haddii qoon ka gableeyo
Ay gacaloy samcanay iyo
Ku gooraamo ammaanta
Cabbaar ay garab roorto
Guuldarayse sur xiirihi
Yarehe gees ula leexdo
Ay garac guudka ku qaaddo
Markay oodda ganeysey
Gurigooda ma joogine
Gasab baa u horreeyey.

* * *

Gaadiidkeeda haweeney
Gabtay oo ceshan weydey
Gurgurshahay raranaysey
Gudguduud ka dhaqaaqay
Gaalaw meel la haweeyey
Dabarkoo ay ku gaadhiyo
Qoofalkii gelin weydey
Markay guuyadu fooftiyo
Markii uu makhrib gaabtay
Gogosheeda ku jiiftey
Galaxeeda dhamayseyoo
Hadba-gees u dhacaysey
Gooraan goorna ahayn iyo
Indhalaawe gudcur bay
Hadba geed is – ag taagtay,
Galowgii kor u duuliyo
Gambadeedii col mooddeyoo
Libaax guudha la leexday
Oo gudguduudka kaleeto
Gorgorkiisu hableeyey
Markii ay ciddu guurtayoo
Garna loo rari waayey
Xarnaantii ay geleysey
Hadba gees ka deyeysa
Gasab baa u horreeyey
* * *

Nimay gaajo dulleysey
Gotay ov macallulay
Gabankii wax u waayey
Koluu reer gabadhiisa
Intuu guudka ka laacay
Guuyaditsi ka dhiibay
Armuu geedka ka seexdayoo
Beryo Geydho’ halleeyey
Gasab baa u horreeyey
* * *
Nin shisheeye u guuray
Haddii geed lagu ciilo
Amay guuto horayso
Maalintaa garbo waayo
Gasab haa u horreeyey ;
* * *
Hadday naagi gabawdo
Gablantoo kici weydo
Gorof baas la wareegto
Kolay goosan dabqaatay
Ama ay gurgur xaabtay
Ama ay gudaheeda
Ku gaadgaadday amuuro
Gasab baa u horreeyey.
* * *
Meel ay Good’ ololeyso
Gaabanno sumucil iyo
Gariirayso rasaastu
Ragga haadku gigaayo
Golxaalow jabayeey iyo
Galaayuus ka baxaayo
Gashi laysku lahaa iyo
Gabar layska dhirbaaxiyo
Gaban layska uleeyey
Godob laysaga dhaartay
Annagaa gob ahaynoo
Gunnufgaannufka hoosow
Nama gaadhi kartaan
Guuldaraa xigi doonta iyo
Gasab haa u horreeyey ;
* * *
Nin cadaabta la geeyey
Gogga loo dhigay naarta
Koluu waalid guhaaday
Amuu gaarrax’ agoona
Guuyadoodal ka qaadayoo
Ka gumaartay, calooshana
Gasab baa u horreeyey
* * *
Maansadaa gasableeya
Gun waxaan uga yeelay
Meeluu khayr ku gadaantey
Gasab baa u horreeyey
Meel ay guuldarro joogtana
Gasab haa u horreeyey

Murtiyosuugaan

Qalinkii. Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo