Waxaa la wariyey dhacdo muujinaysa sida uu Abwaan Raage Ugaas Warfaa ugu xeel dheeraa garashada dadka iyo aragtida mustaqbalka. Mar ay martiqaad u fidiyeen qoys ay daris ahaayeen oo ay hayb sare wadaagaan, ayuu Abwaanku u bogi waayey martiqaadkaas. Wuxuu tuhmay in ujeeddada laga leeyahay ay ka qoto dheer tahay daacadnimo iyo niyad-samaan tolnimo ku dheehan tahay. Si kastaba ha ahaatee, Raage wuu ka gaabsaday inuu ka gabyo arrintaa, maadaama raggii hore ay wax walba ka gabyi jirin oo gabaygu u baahnaa inuu xambaaro muhiimad iyo majaal weyn.

Isla qoyskii ayaa markale martiqaad u fidiyey walaalkii Abwaanka ee la odhan jiray Ugaas Xuseen. Raage Ugaas wuxuu si gaar ah ugu taliyey walaalkiis inuu ka fogaado martiqaadkaas oo uu iska joogo, balse Ugaaskii wuxuu go’aansaday inuu talada walaalkii ka boodo. Wuxuu aaminsanaa in qofka mas’uulka ahi ay tahay inuu mararka qaar u badheedho arrimo tuhun ku jiro, oo qofka caadiga ahi iska diidi karo.

Raage sidii uu ka digay ayey noqotay; Ugaaskii si fiican looma dhaqmin, wuxuuna ku soo noqday bahdiisii isagoo faraskii uu watay la dhaawacay, isagana in loogu guduudiyo ay ku sigatay. Raage ayaa haddaba arrintaa ka tiriyey gabayga, isagoo walaalkii ugu duurxulaya inuu isagu ahaa ninka ka aragti dheer, haddii uu taladiisa qaadan lahaana ay taniba aanay dhacdeen. Gabaygan, inkastoo uu dheeraa, waxaan ka haynaa beydadkan hoose oo cashar qiimo leh xambaarsan:

Wuxuu yidhi:

  • Wiyil gaarin geeskiyo dhagtiyo, giirka qaban maayo
  • Shabeel oon gabraartiis ogahay, gacantogleyn maayo
  • Gojaxiyo nin waran ii watoo, ani i gaadaaya
  • Gag intaan idhaahdo oon hurdada, ugu garaardaayo
  • Garbahayga hilibkaa ku yaal, gooso odhan maayo
  • God abeeso gacantayda midig, galin aqoon maayo
  • Garaadkeygu meelaha badhkood, ani i geyn maayo

Kaydintt: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo