Awal hore inaan gabay tirshiyo, godob ma doonayne
Gadaafa iyo cay ma rabin, gaadha aadmiga e
Soomaali gabigeed ma rabin, waxaan u gaystaaye
Gurgurshaa hayinahaan ahaa, laguna guuraaye
Gudoomiye uruurshaan rabaa, hawsha guudnima e
Gobonimo u dirir baan ahaa, gaala daafaca e
Inaan Xabashi gooyaan jeclaa, Guray sidiisiiye
Guul iyo barwaaqaan rabaa, ehelka gaadhsiiye
Gol-duulaan ku maal baan lahaa, geel ku dayr dhalaye
Kol hadii dadkii gugu u da’ay, gamashi kaynaanay
Waxaan galo waxaan gudo hadii, layla garan waayey
Ana inaan guntiga nuujistaa, igu gar weeyaane
Maxaa golahan ceebeed i dhigay, ma li’i gaadiide
Gardaro iyo is yeelyeel ma jiro, ruux ku galayaaye
Ninna uma gigsado leeda fuul, sida gammaankiiye
Gabasho iyo wax badan baan ku jiray, inaan is gaabshaaye
Garba duub maxaa ii xidhxidhay, gibilka maan tuuro
Maan guusha Eebaa hayee, nabada geed saaro
Isagaa i garab siine maan, geesinimo yeesho
Giiryaale fulayaan ahee, gacanta maan qaado
Amba gacashi laygama rabee, maan afraha gooyo
Geeska Afrikaad maan xumaan, ugu garaar daayo
Inta aniga lay kala gorgorin, goolka maan dhaliyo
Oo garoon lagu ciyaaraan noqdee, golayga maan diido
Gacmaha iyo lugahaygii buu, qaarba gees dagaye
Intaan gudub u kala aalo maan, meel isugu gaysto
Maan garashadayda iyo caqliga, ehelka guubaabsho
Gaajo iyo maxaa caydh i baday, gorofta maan tuuro
· Gafuur tuurkii baa nagu bate, maa lakala guuro Gashigayga baaqday iyo intaan, godobta raadcaysto
Gafka nagu dhacaaya iyo bal maan, diido gacan dhaafka
Oo maan aduunyadan rag gubay dumiyo geestayda
Gaandi iyo sidii Kimil Sool, garasho maan yeesho
Kolay guri dugsoon kuma jiree, gama’a maan diido
Gacandhi iyo intaan ciid ku shubo, gogosha maan laabo
Gabalkay miyaa dhacay maxaan, hawl la gudan waayay?
Intaan goroda laalaadin maan, giirka kor u qaado
Ninana iima goodiyi karee, ganafka maan taago
Raggaan giriftamaynaa haduu, iga gol roonaado
Gayigayga hawdka ah intaan, galo dhufayskiisa
Gammuun iyo falaadh iyo intaan, gammas mariidaysto
Garanuugta maan weheshadiyo, goodirada hawdka
Maan gooradhuubiyo ulaag, garriga weeteeyo
Wiyishaa gadooday iyo sangaha, geeska maan jabiyo
Gu’baas jiraye maan dhimasha xigo, geeridaa wacane
Asaagay siday ii gartaan, gumaca maan qaato
Oo maan waqti baa ila gudbane, dib u galaal xooro.
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed