Deyl Yogol ayaa gabay aan tixahan hoose ka hayno tiriyey isagoo ku diganaya Isaaq oo dagaalo is daba joog ahaa Absame ku jabiyey. Wuxuu gabayga si gooni ah u maqashiinayey Ismaaxiil Xayd Af-law. Wuxuu yidhi Deyl:
- Ismaaciil Xayoow laba hal oon, xalay ku taawooday
- Waagaad xaggiinnaa u kici, xaraf aan kuu sheego
- Xubbina iiga qaad taydu waa, sida xariireede
- Sow kama xog-haysaan kuwii, xuurta la cunsiiyey
- Sow kama xog haysaan kuwii, Xaraf u daaduumay
- Sow kama xog haysaan kuwii, faras xabbaadhaayey
- Seeddoow haddaan lays xasteyn, xoon gobbaan nahaye
- Anagaase libintii xignee, xuuxda naga daaya
- …
Ismaaciil Xayd Af-law way la ahaan weyday inuu is dharriijiyo oo uu mindi-mindi ku taag meesha lasoo istaago. Wuxuu door biday inuu qirto jabka tolkii soo gaadhay una garaabo Deyl. Wuxuu yidhi:
- Deyloow wanaagsane haddaan, weedh yar kuu celiyo
- Inta gabayga waadhoolisaan, waaridkeed ahaye
- Waxoogaa yar lama laaqiyee, waan warwariyaaye
- Â
- Anigu weedha waan daalacdaa, sida wadaadaaye
- War biyo leh sideed dadkuba, uga wiyeertaaye
- Waanjuu haddii Ceel la daro, wiig ma madhiyeene
- Â
- Waraabuu hadduu neef la dhaco, waa winjiiriyiye
- Waxna ma taro dharaartay xabbadi, daba warraaqdaaye
- Wadartii la jaray Ciidagale, laguma weydiinne
- Â
- Halihii wadeecada ku galay, laguma weydiinne
- Nimankii Amxaaruhu wanjalay, laguma weydiinne
- Habrahaydun waajuuciseen, laguma weydiinne
- Â
- Kolkii Reer Wacays lagu wab yidhi, waaga berigiisa
- Iyaba waa walaalkiin haddaad, u welweleysaane
- Waasaca Bullaale iyo halkiyo, waraqa Hooyaale
- Â
- Weelkooda reerihi la qubay, Alla miyaa weertay
- Wedkiinuba qariib inuu yahaann kuu warramayaaye
- Wadaadadan gaboobiyo hablahan, waa walbaba ooyi
- Â
- Haddaan wariiddadoodii la layn, ma aanay weerteene
- Waab-Cawska naagaha gala, ma iyagaa waalan
- Mise idinka wiilkii la dilo, waxar yar baa dhaama
- Â
- Waleensina u guura oo ritiga, weelka lagu qaadye
- Waabayda kuu qooshan iyo, waxa laguu doonay
- Waxyar i dhawr waraaqbaa la diri, wiiggan dabadeede.
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii Mr: Cumar Ismaaciil Digeed