Gabaygii: Xadro
Abwaanku tixdan wuxuu mariyay 08-09-2023
Cabdi xaashiyoow seedi waa, timo la xiiraaye?
Tola waa xiniiyaa la yidhi, taniyo xaataaye
Waxba xoog’sigaygii aniga, ha ii xayaaysiine
Gacalnimo hadaad xeerinoo, ii xinjiro baajin
Shalaybay ahayd xagar cadyohow, inaad xanaaqdaaye,
Sida caalim kutub loo xulxulay, qodob- xadiisaaya,
Xawl mariidyo kicin-jeestadaad, xarako baanaysey,
Maad xur’maynin beelaha wixii, loo xidh xidhi laaye
Fiidyoow’yadaa lagu xardhaa, kaa xusuus qorahe.
Udxo xoolo loo qalay sidood, xuurto- dhabadkaagu,
Is xayd xaydka aan (goorti iman), xadhig la boodkaagu,
Waa mid aannan xiisayna’ hayn, wiigan xoon tirade,
Xaadir weeye ina kaahin’kaad, u xaglinay saaye
Ha xasaridin cali aadankii wiilba, xiiqsadaye
Ka xishooda maytida godkaad, kaga xog haysaaye,
Xiladaadi waad qaadad’taye, si aan u xiiq’gaadho
Buurtii si aan kuugu xidho, qowga xeradiisa
Ana wiig xadhaadh’baxa rabshiyo, xooyda iga daaya
Afartaa hadaan xaashi faray, una xalaaleeyey,
Waa inaan jamaahiir xadrada, xaraf u geeyaaye,
Aan xariiqo taariikhda waa, la is xanaan- nayne,
Arbiciin xagaa odayo xidha, nabad xashiishoow da,
oo aan xadhkaha daacad’nimo, laysu wada xeerin,
Ayaan xaadir ka ahaa dhacdada, xaasil’keed lumaye,
Hadhoow baa abees loo xas dhigay, inagu xoomaaye,
Shirqoolkani intuu ina xukumay, waaba xero dhaafe,
Waa inaan xisaabta mar qudha, xididka baadh naaye,
Inta xubinta waydaan warkaa, sii xog farayaaye,
Xilka waa la wada leeyahoo, kuu xabadi dheere,
Ka xorooba been lagu xasilo, xulufo loo saanto.
Kaydintii: Academiyadda Murti “Mareegteeda Murtiyosuugaan”
Ururintii & Tafatirkii: Mr. Cumar Ismaaciil Digeed