Gabaygan Ismaacil wuxuu ka tiriyey dilkii.
Jaamac cali nuur Ilmaadeerna ay ahaayeen aadna uu ujeclaa . Gabaygu wuxuu muujinayaa sida aduunyada laysu maandhaafsan yahay oo aan laysaga war hayn. Nin qabwayn iyo nimaan uba qabin xaalku taagan yahay. Wuxuu yidhi:
Isma oga Ismiir iyo ninkii, ayro foofsadaye
Isma oga arbaha weerka iyo, adhiga goosmaaye
Isma oga waraabaha amliyo, awr la laayacaye
Isma oga atoor qadow bartiyo, uubta loo qodaye
Isma oga nin urugaysan iyo, iilka kii dhigaye
Isma oga dhillida uunsatiyo, awga taa’ibiye
Isma oga aqoon xume dhergiyo, Meleg Arsaa’iile
Isma oga agoon iyo ninkii, aabaheed dilaye
Isma oga askari qooqan iyo, nimaan afbuux siine
Isma oga abeer qalableh iyo, inanka doonaaye
Isma oga ugaadh iyo libaax, adamiyaystaaye
Waxba gabaygu yuu ila ordine, waxaan ku soo ooday
La illow nin Aakhiro tegoo, iilka hoos maraye.
Murtiyosuugaan