Waxa la wariyey Abwaan Khaliif Xasan Walah O Kusugan Magaalada Nairobi in Nin Ay Abwaanka Isku hayb Yihiin Xaal Lagu yeeshay Sidaa Darteedna uu Dhahay Xaalki Waxan u Bixiyey Far

Arinkii Ayu u Sheegay Abwaan Walah hayeeshee abwan Walah kuma Qancin Arinka wuxuna Ku War celiyey in Fardaha Nugaaleed Ay ka Qiima badan yihiin In xaal loo Bixiyo Sidaa Darteed wuxu Jirabay Qoladi Faraska Xaalka Loo Siiyey Hayeeshee Jirabaadii way ku fashilmeen Markaa Kadib Ayaa Abwaan Suldaan Khaliif Xasan walah Tiriyey gabaygan Hoos Ku Xusan:

Geeliyo fardihi nagama madhan gumaradoodii

Sidiibaa gamaanku u Bedraa guda nugaaleede

oo goluhu ugu oodan yahay geedka saynta lehe

Oo gobolba meel aadayaa guud haldhaalaha

Ashkir gedefle, Suunaari godan maydal gudub taagan

Gorso ugub, darmaan golongoshay gabantu nuugayso

Iyo Bood gudoonshuhu xidhaan guriga dhaafaynin

Iyo Gaadawaynoow baroor geri lamoodaayo

iyo xamar gufaacada bartoo guluf u heensaysan

Iyo Gooni Daaqyada mirtoo geela lagu qaado

Iyo geenyadii wada dhashaan abid gaboobaynin

Intaasaan gawaan raaciyaa maalin lays galay

Gabadh laga baxshiyo dhiig ragoo godaba mooyaane

Gobta nimanka loo daayey ee uunku wada gaatay

Ee gacaladii hooyaday guudka ku xanbaartay

garaad faaraxbaananba siin guud haldhaalaha

Gunta kuma xurmayno iyo tolyare soo gadal baxay

reer galbeedna wuxuu fuulayaa goosankii lumay

Nin Kaloo ciyaar ugu gubtaday gaadhi kari waa

Murtiyosuugaan

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo