I
Gabaygii 1aad:
Cartaneey Camuud layska qaad ceelkii Reer Magane
Hadday curadii nool yihiin waad cabbi lahayde
Nimankii ku caawini jiraan cidi ka noolayne
Cabdullahi iyo Yuusufbaa ciidda hoos maraye
Badal baa cashiiro u xigoo waa cuq dabadeede
Raggii calanku saarnaan jiriyo Caliba loo diidye
Nimanbaa caarsho u noqdiyo Caamir oo kale
Marbuu Haybe sidda coomir degay looga soo cararye
Ma la cowryi Reer Yuusuf waa cirir Ogaadeene
Miduu caayo miduu caydhiyiyo mid uu carjaameeyo
Saddexdaa calaamu ka dhigay cuurkii Reer Dalale
Caqli mid aan lahayn baa tahee ha i caloolyeynin
Oo Cayn iyo Hartaad leedahye caraqa fuuqfuuqso
Gabaygii 2aad
Doqonkii Ogaadeen ahaa Doollo laga qaadye
Loo diid Dannood iyo hadduu degi lahaa Ciide
Nimanbaa dalkoodiyo xukuma labadi daaroode
Darraatoole iyo Faafanoo wada duraabaaya
Deegaanta haraday ku tiil daaqi mahayaane
Deex kama mareershaan halkay deleb ku beerneyde
Markii duraha jiilaal kacee doogga la idlaysto
Duurkiyo dayada Hawd markay Debec ku soo oonto
Laaskii uu ku dalandooli jiray loogu degi waaye
Alla daw guduuddii Wardheer kama durduuraane
Dawadeedu waa Jeerinley uga dul geeraare
Ceelkii biyaha diirranaa looma dawdabo’e
Dixda Qarandi Deeroy Mataan loo dardari waaye
Maantana dukaamaa la dhigay degelkii Gaafoowe
Darar kagama maalaan Camuud diiqo iyo xoore
Dixda Raygaleed iyo Gargaar laysu dacareeye
Dayr baaba lagu meeriyoo loo dabbaal degaye
Wardheeroon dagaal xumi ka dhicin dig iyo baaruudi
Doox iyo Doh iyo Faafanna waa soo dalbanayaane
Kuna dalaaqin naagihii inaanay dib uga laabmayne
Iiddoorku siduu damacsanaa loo diyaafadiye
Hadba dunida duul baw kacoo diin la soo shira’e
Dar Illaahay uun baa xaggiis looga soo diraye
Sow sida Darwiishkii Isaaq duub cad uma qaadan
Makaahiilku doy uma kaceen degeya Hiiraane
Daacuunku meeshuu ku leyn uma dalluumeene
Daal iyo hadhuudh kuma cuneen degelkii Haarweyne
Habar-Yoonis bay uga durkeen degeladoodiiye
Dullinimo inay qaayibeen waxaw daliilkiiya
Dadba weli ma arag Reer-Subeyr duul ka soo baxaye
Dooyiyo dabriyo weerar iyo malaha duullaane
Ninnaba uunka kama dawladsana Dir iyo Daaroode
Ilaah baa dabkoodiyo nasakhay danabadoodiiye
Dadka uguma liitaane wey diriri waayeene
Afartaa sidii dalab la riday maysu daba joojay
Da’daan kaga bilaabiyo miyaan deelkii ka habawshay
Ma dalleeyay deelqaafku waa kaa dilaa gabaye
Dacwad kalana waa Reer Xirsiga halan dareensiiyey
Dadka waa la wada laynayee waw darreydeene
Dubbihii ku dhacay Bihina Cali doogta weli haysa
Waa waxay la dabandeebayaan daqarradeediiye
Waxay dalagga beeraha la qodon waa dagaagnimo’e
Damal Aboodi Dayr iyo Afmeer dixida Gaaroodi
Reerahoodu maantay degeen daawo lagu boobye
Sidii galab dawaar loogu rogay Delab ma maalaane
Ina Raabbi waa tii la dilay waana Reer-Dalale
Dumar kuma sagootiyin kuwii dahay Ugaaskiiye
Dan baa tidhiye lama duudsiyeen Dirirkii dheeraaye
Aniguba dubkaan uga nixiyo diirka oogada’e
Ma damqodo’e kii dad ugu xigay waa durduriyaaye
Ilmo Dacarba duul bay indhaha dumuq ka siiyeene
Nimankii walaalkood durqumay kama dambaysiine
Degdegsiinyo waa tay ciyoon duqaq u laayeene
Nimaan aabbihiis danabyo dhalin looma duurxulo’e
Dibbaa looga yaabiye iyo inuu kaaga sii daro’e
Dagaalkii Killaas ugama rayn duulkii Reer Shalace
Dunta boqorka nimankii sitee duubi jiray shaalka
Anse kolay duraan waxbana yaanay dillin doorarna u layne
Geerida Hurahan diidayey dereja dhaamaane
Afartaas sidii dalab la riday maysku daba joojay
Da’dii aan ka qaadiyo miyaan deelki ka habawshay

Dacwad kalana waa aniga iyo dan iska sheegayga
Maansadan dad wada qoonsadee diradiraha u qaatay
Diin runa dalliilkii sharciga yaan ka daabacaye
Denbi inaanu iga raacihayn daacaddaa furiye
Daahyaale geelii la helay waakan dayr dhalaye
Duudweyn ma jiro Haamo iyo Daba Cadaadeede
Derrinkii afkii Daadmareen kama dareershaane
Dahab waatan iyo qaalmihii deyrcadka ahaaye
Dalba quruxsanleeyeey ma foga dalawadiiniiye
Danbarkiisu waydiin uraa waana dabataane
Iyadoo dildilihii bishiyo dacashi haaneedleh
Oo wada dunuunucahayuu idin dul joogaaye
Dubuxbaaba lagu sii wadaa iyo dararkii Baarjeexe

Da’dii aan ka qaadiyo miyaan deelkii ka habawshay

Dacwad kalana waa aniga iyo duun u hadalkayga
Nabsigu waa daruuraha cirkiyo sida dabayleede
Dersinkii wax qaatuu la’ yahay deynki godobeede
Daa’iradu maantay waddaa duulashii galaye
Xaqa daguugmay duunyada la dhacay dumarka ooyaya
Naagaha ilmada duugayey diilalyadu hayso
Daa’imo hadaydaan ahayn dagan xaqiiniiye
Dagaal waan jeclaa xaajo aad dib ugu aydaane
Doqon yahay ka kaca meeshanaad dacayda laalaadin
Gabaygii 3aad
Dhankaan ka hadlay waakaa Qamaan dhaafay hadalkiiye
Dhex-xidhka hayska gooyaan lahaa dhuugga loo tolaye
Haddii dhaxal adoogaa la cuno waad dhadhamisaaye
Waxaan cunaha ii dhaafin iyo dhaashin baa jira’e
Naagahaan dhankii loo rogiyo dhinacna diidayne
Dheddigaanshahaa lagu arkiyo dhiigga caadada’e
Haddayan dhiilka caanaha lahayn laguma dhaarteene
Wax ka dhigan gobtii dhawrsataan ceeb ka dhiidhiyine
Dhirfal buu Isaaq marin intuu dhaco Ogaadeene
Karuur dhuumay dhaydana ka jecel oo ay dhamayaane
Dhoobada Hargeysiyo Berbera waa dhito u taalle
Dharka kama macaasheen hadday dhuunta jarayaane
Waa dhego la’yahay Reer Subeer dhoohan weligiise
Dhibta gaadha waa moog yihiin, iyo dhaliishoode
Anuun baa dhalaalinahayee, dhiirran ma hayaane
Ninkaan dhalasho waa yaab qabtaa dhab ugu soo hiishay
Dhaladuu wax iga saaray culus dhabeelna ii raacye
Dhudhunna waaba ii sheegtay adag dhiillana i geliye
Dhawaaqayga kuma faaraxine waa ka dhiidhiyaye
Waayeelka dhaylada sitee, dhawrta ku ilaasha
Kuwa dhebedda soo xidhanayee dhuuni kale haysan
Oo dharabta jeexjeexan qaba waad la dhalateene
Dhafoorkaa ma yeesheen hadh galay dhogor xumaantaase
Dhoomaha Isaaq raranayee Dhaayin laga keenay
Dharkaa lagu qasaashaa intay dhereg u daadshaane
Rag baa caanahaad dhami jirteen dhiil u hoorsadaye
Afartaasi waa dhaabad gabay iyo dhextaashiise
Hadallo dhagaxyo waaweyn ka culus waa dhug siin jiraye
Maansada dheh uun lama yidhee waygu soo dhacaye
Dhugaheeda layskuma qabtee dhibic kalaan baanay
Dhinacayga ma aan saari karo dhuxullo naareede
Goormaan rag baa kaa dhergaye dhidibka kuu qaaday?
Dhaawucu ninkuu ku cusub yahay dhiigga farahiisa
Oo shalayto kaa dhaansadaa Dhuurre kula yaalle
Waakaa xeryaha looga dhigay Dhogor Idiinleeye
Dhaqaalaynna mayside naftaad kala dharroocdaaye
Libintiinnu maantay dhowdahay kuma dhaqaaqdaane
Car ku dhaca haddaad dhalad tahoo dhuubka boqor hayso

Ugaas Magan dhawaaq kuma jiroo dhimey wadkiisiiye
Bal dhexmariya Reer Webi inuu dhaamo Bah Xawaadle
Cabdille Aadankii dhaadan jiray dhab u ogeysiiya
Uga dhoofsha Dhicis Muuse Khalaf oo dhabta u saara
Cawlyahanka dhaantaynayiyo Dhugadna gaadhsiiya
Isaxaaqa dhooshiisii hanay dhababkacna loo diidye
Nimankii ku dhabannaanin jiray dhowr ka loogsada’e
Dharbaaxooyinkii soo ceshiyo dhabarjabkaagiiye
Waataa hablaha Ciise Dhamal dhigaha laayeene
Kacoo dhididka rida waa intaad dhimanba weydaane!
Dhambaal lala ma yaaciyo waraaq sida Dhabiileede
Hoo dhagaxa qaad iyo adeeg gaaladaa dhihiye
Raacdadu hadday kaa dhab tahay Dhebi dagaalkeedu
Adoo dhirifan baa loo ridaa dhamac rasaaseede
Raggaan dhibiyey waa kaa dhacsaday Dhebiyo Heemaale
Qamaan dhugo dhankaagaa tolkaa looga soo dhacaye
Gabaygii 4aad
Dan u baxay Ogaadeen hadduu duudsi qaayibaye
Dirirsiiyey diidana inay duul ka nixiyaane
Anigii dagaallaminahayey igu dabreeyeene
Duullaanna way soo baxsheen sida Daraawiishe
Daabaca raggii lagu dhuftee daabka lagu jiiday
Daabaqad wajiga baw hadhiyo diillin aan go’ine
Ma iyagaan dadkii iyo ahayn duudda Nebi Aadan
Iyaguba dab iyo waa sitaan damaq rasaaseede
Dumbuqooda liishaanka daran daalib ma ahayne
Dawadiisu waxay saaran tahay daacad loo rido’e
Waa wuxuu isaga daadsan yahay oon doocna garanayne
Dawdii ha darandoorriyeen hana dagaajeene
Dushana hawgu soo dhaamiyaan dumarku haantiiye
Dabinkii xumaa iyo sibraar ha isku duubteene
Dugsi dhaxan leh haw yuururaan diilalyiyo ciile
Intay dacarro waaweyn dhigaan dalag ha beerteene
Mar haddaanay daaqayn Walwaal nimanku dooggeeda
Oo dibinta saarayn Wardheer loona dacareeyay
Danwadaag iyaba waannu nahay downa wada naalle
Bal Iiddoor maxaa igu diroon, Doollo ugu sheegan
Gabaygii 5aad
Daarood baan walaalayn lahaa warasadiisiiye
Wardheer baan lahaa hayska dego sida Wadaadkiiye
Wacad baan u kala qaad lahaa wadar ahaantoode
Ciyoon baan ku weyrixi lahaa, weris Ogaadeene
Ha welwelin wargeli baan lahaa way wahsanayaane
Waxtar baan lahaa inuu ku jiro waxa ogeysiiye
Iiddoor wagaashaan lahaa webiga jeexsiiye
Nimankii siday ugu wadeen wiiqda kaga gooyey
Waraabihii cunayaan lahaa ha iska waabsheene
Wadaad shiikh ah weli daahiriyo ma aha Weyteene
Iyagaa werdiga hayn jireyoo Waaxid ku ogaaye
Waxooddii la dhacay xoolihii wadarta loo qaaday
Iyo waarihii ay galeen wiiqda la cunsiiyey
Weerkii caddaa baan lahaa ha iska wiifsheene
Ceelkii Walwaaleed hashii wahane loo diiday
Wadaamaha Cammuud baan lahaa ha ugu waabsheene
Wasiirtoodi hore yaa xumayd waalidkii dhalaye
Wacdigayga kuma doogsan iyo waanadaan idhiye
Wahay wahe sidaan wax u dhimay bay wig iska siiyeene
Nacasku waa i wiiqaye Isaaq waanigii wadaye
Waa kii waddada aan ku ridey wagacda Jiilaale
Waaxdaan ka toosinayay bay iga wareemeene
Waatii wadnaha aan u galay sida Wadaadkiiye
Oo waalid xoortaan ogaa wiish la caaridaye
Gabaygii 6aad. Gabaygani waa kii ugu dambeeyey silsilada ee Cali oo bilaabay uu kusoo af-jaray. Wuxuu yidhi:
Gunbaan ahay ganbo-cad baygu xidhan, iyo gar naagoode
Gaashaantimaha sidoodoo kalaan, guur u sugayaaye
Aniga iyo hablaha loo galmoodo, waan gudboonahaye
Jeer oon ganboolka iska rido, guudka iga saaran
Ogaadeenka noo soo gabyoow, waa gar xaajaduye
Gabayadii Cali Dhuux kaga qeyb qaatay Guba

Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed