Gabaygii:ย Fur guduudan

Goor iyo ayaan colaadda reer miyiga dhex taalla waxay ahayd mid taagah, Daaqa iyo biyaha ayaa u badan waxyaalaha ay ku diriri jireen ee boqollaalka nin u dhiman jireen Iyadoo ay arrimaha caynkaas ahi jiraan oo Buuhoodle iyo dhulka u dhow colaad aawadeed looga baqday ayaa berigii dambe Ismaaciil oo Hawd jirey gabaygan goodiga ah mariyey.

Wuxuu u gooddiyayaa dadkii ay colka ahayeen oo uu dareensiinayo inuu ciidansanayo, dabadeedna uu afka soo dhigan doono, isagoo Hawd ka yimid oo dhar ciideed xidhan (fur guduudan). Wuxuu yidhi:-


Fallaagiyo haddaan Aadan iyo Faarax Hagar doono
Caligeri ma faagtee hadduu ficil u soo guuro
Faracdii awawgey haddaan idinku soo foofsho

Fur guduudan anigoo sita oo firiyo boodh weyn leh
ldinkoo feddada yaal hadday Faarac’ soo dhigato
Laasahan la fiiqsanahayaa fuud ka kululaane !

Waxaan furay Furriyo buul inaan lay fadhiyahayne !
Geel ferenji gaawe u sitaad gaadhi ma lahayne
Gaadhiyaal giriiftamahayaad gaadhi ma lahayne

Hablo garacyo laga xoorayaad gaadhi ma lahayne
Goombaar raggii diidday baad gaadhi ma lahayne
Guntan boqorka wada yeelataad gaadhi ma lahayne
Shirshooroo gunnimo qaayibaad gaadhi ma lahayne

Murtiyosuugaan

Qalinkii. Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo