Gabaygii:Β Eerigoo
Gabaygan waxuu u tirshay seediyadii oo wax ka tabanayey iyo raaskuu ka qabay
Usha dheer markaan geelayaga, ugubka soocaayey
Aydinkeeda qaalmaha markaan, u intihoon waayey
Aloos iyo markaan miigganoo, ololasha laameeyey
Abtrisiimihii baa i hoday, Aadan Carabow e
Haddaan Ebirrar iyo Tuuryar iyo, Aado Gacal-Muuse
Dadkaa Uufannaaga ah, haddaan Adhijir weydiisto
Ama reer aan soo ag maray, anan ka ilduufin
Idahayga iyo naylahaan, edeg wadaageene
Isla joog baraar leh iyo wan weyn, ma arki waayeene
Nin ambaday halkuu aaday, way ula ekoonayde
Anigoo arkaayaan wadadii, eerigoo maraye
Arrin kale ilaawaye haddaan, aqalka lay daadin
Ama awr an gaadiid ceshado, la i ammaaneeyo
Ayaan iyo wixii laba ka badan, eregtu waa ceebe
Nin aamano neceb baan ahoo, iguma aameene
Abaar caano leh iyo ceelow waa, adhiga daaqiise
Isha Docolley Reeraha ag yaal, kalama aadeene
Amaana Alla mooyeene wax kale, maba idhaahdeene
Waxaa ooyda naag aabaloo, ehel u muuqdaaye
Agoonimada waa waxa cidlada, loogu awdalaye
Muriyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed