Inta badan gabayada Abwaan Raage Ugaas Warfaa waxay ka tarjumayaan dhacdooyinka dhabta ah ee nolosha, gaar ahaan kuwa ku saabsan jacaylka iyo qoomamaynta. Waxaa xusid mudan tixdan uu mariyay xilli ay kala tageen haweeney qiimo badan oo ay muddo dheer wadaagayeen guur iyo nolol. Kala-taggaas ayaa noqday mid uu si weyn uga shaloomay oo u qoomameeyey, taas oo ku dhalisay inuu ku cabbiro dareenkiisa murtidan hoose ee taabanaysa qalbiga, isagoo yidhi:

1.  …

2.  Dadkaan lumiyey, reerkaan dayacay, wiilashaan deyrshay

3.  Iyo duusho siday naaga kale iigu dacaraysay

4.  Iyo dawdarnimadaan ku kacay sida qof duul qaaday

5.  Mindhaa labada daan iyo gacmaha siima kala daayo

6.  …

Run ahaan ma dhama gabaygani suugaanta raage waxaa ka soo wareegay qarniyo badan sidaa awgeed qaarba in bay akadimiyaddu ka heshay. nala doon inta maqan oo nagu soo hagaaji


Kaydintt: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo