Gabayga: Digtoonaada. Waxaa tiriyay Abwaan aadan mahad af-dhurbo.

2:-ragga dameercad joogoow i maqal dooc ma aad ogide

3:-in kastuu dawiil iga fog yahay doonte waa heliye

4:-waxaan goob diwaanka ugu qoray inaan la daynayne

5:-xamar lagu xidh waa durugsanyahe gabayga deeqsiiya

6:-barkadaha intay didib yihiin wada duraabaaya

7:-ee aan tayuub wali la darin daahna laga qaadin

8:-in dhulbahante soo damacsan yahay daacad ugu sheega

9:-balicadkaa dunuufaha maraye daaqu ku agyaallo

10:-barkad wuxuu dadaabka ugu xidhay inuu dihnadaaye

11:-oo aan dushiisaba la tagin daydo ka hor toowe

12:-darbo  ugama jeediyo biyaha inay dabooshaane

13:-dulinkiyo habaaskaanay rabin digada xoolaha,e

14:-dureemadanna waa jecel yihiin tii diraacnimo,e

15:-dharkayn kaa ilaah doojiyow daymo gacal yeesha

16:-u damqada martida daalibka ah haw daraanina,e

17:-dabataagi waa ooman tahay waana dariskiine

18:-saaxdheer wixii daw la qoday daad ma soo galine

19:-labadaba daruurtaad hesheen lama dacaansiine

20:-dabna lagama shido baararkii dalabka waallaaye

21:-kala baydh diyaafadiyo diin wuxuu dadaalaayay

22:-ee ay ikhwaanka u dalbeen dibad bixii roobka

23:-ducadii badnayd lama aqbalin doorkan maanta ahe

24:-dululaati baa laga marshoo duul kalaa helaye

25:-karmihii la daaldaalan jiray waa daleel madhane

26:-danabkiyo hilaacaan is iri duunyo hadhi mayso

27:-iyagaba doc baa laga marshoo. qorilay loo diidye

28:-xasan ugaas wuxuu kor u dalacay daadsan iyo ciide

29:-duqay baanu sheekaysanoo dib uma jeedaanne

30:-dusha haragsax reer xaamudkii duuda kaga joogay

30 doodu ka soo dhaansado. didib cadduu yaale

31:-degmadii garoowe iyo ayl baa danqoray taal

32:-dadkii ceerigaabo iyo taleex doollo kor u dhaafye

33:-dal kac iyo abaar baa waddiyo dan iyo jiilaale  

34:-dabaxaabtu waa reerahaan dayrta loo shubine

35:-hadii uusan daantiina helin  wuu idiin da,aye

36:-dacda iyo diniintada xargaga kama diqooteene

37:-rabina deeq ma waayee naflaha waysku dayayaaye

38:-diraacdii xumaataba qolaa lagu dambaabaaye

39:-inta aan nabsiga soo dibjiray idinku daadduumin

40:-amaan daramal iyo laysu tumin daasadihii ceebta  

41:-ama aan dacaayado  la fidin dunida guudkeeda

42:-ama aan kulayl idin daf siin  dawgal baa jira,e

43:-digtoonaada annigaa arkoo laysu soo durugye

44:-annana yaan doorraad kii na helay nala ku soo daynin

Waxaan ka qoray (cabdilaahi axmed-dheere maxamed “jawaan” axmed)


Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaante ee Murti

Tafatirkii: Mr Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo