Loolan dirireed oo dhexmaray Cali Geri oo Dhulbahante ah iyo Biciidyahan oo Majeerteen ah oo asalkii hore ka kacay geelal la kala qaaday ayuu abwaanku gabaygan ka tiriyey abaaraha 1957/8dii. Dirirtu gadaal waxay isu rogtay mid labadaa qoys dhaaftay oo la isugu habarwacday lafo kale oo labada dhinac ahna ka qeyb qaateen. Aadan oo gabyaa caan ah ahaa tolkiina afhayeen u ahaa xilligaa ayaa afkiisa haddaba la baxay si uu ugu digto Majeerteen, Iidoorna ugu dhaga-hadlo. Wuxuu yidhi, Allaha u raxmee:

· Dhuyac Balo ragii idinku furay, dhamacda jiilaalka

· Dhaxan iyo malay cudur marbuu, dunida dhaamaaye

· Dhawlkanaa waw u dhira intaan, idinku dhiibteene

· Ama waranle dhiilada maqlaybaa, dhaaxa iibsadaye

· Dhul fogna waaba loo maray rasaas, dhagax rogeediiye

· Maantada in dheri loo karshiyo, dhuuni iyo raashin

· Dharba uma safraan nimanka tagay, dhoofkii Cadameede

· Dadkana qaar dhagweynaa ka kacay, dheelalaad ahaye

· Caligeri dhamaantiis isku arag, dhirihii Toomoode

· Anana dheregnay geeridu markay, dhaaftay labo raase

· Dhafkii nala socdiyo Reer Garaad, waa is dhaarsadaye

· Anagoon wixii naga dhinaa, dhoobka tabanaynin

· Dhuldheer inaad nagu gashaan, cidi ma dhaadayne

· Intaad timaha dhoobiyo malaas, lagu dhamaajeeyo

· Guutada Biciidyahan dhuray baa, dhoor u imanaysa

· Dhadhab iyo riyey nala ahayd, amase dheeldheele

· Waagoo dhag yidhi aanay jirin, dhuumashiyo gaadmo

· In dharaar la weeraro miyaan, dhudi ku faalooday

· Dhabisku waxaan ku idhi inuu, maalin dhiirado’e

· Iyadaad nirgaha ku dhalay, dhereg gubyoonayso

· Oo rimayda dheega iyo mudkiyo, dhinacu weynaaday

· Aan kurayga dhiilka u sitaa, dhaqayo maalaynin

· Oo lagu dhexjiro oo kolkaa, dhisi ka ahaaye??

· Waxba lama dhabiiline la yidhi, dhoobiyaa wada’e

· Dhedaa na huwanayd jeer dagaal, la isku dhiidhiyo’e

· Dhalanteed miyaa idinka galay, dhudaha aan sheegto

· Ma dhalaaliyaan toban bilood, idinku dhaacaayey

· Malaha dhirbaaxadii bey misana, dhuuni idin raacday

· Ma ku dheregsigaygaa waxaa, dhacaya eegaayey

· Dheedi waxaan xeraadka uga dhigay, dhudubna loo geeyey

· Waa meel inaan uga dhashiyo, dhoofka qoofalane

· Dharka ubaxle dhiiqa xidhkaad, dhuxulka moodaysay

· In la dhicin karaa loogu furay, dhogor idiinley’e

· Hadii aad talada sii dheehataan, dhuuxa iyo ruuga

· Dhoomaha Shirshoore iyo Hayaag, uma dhawaateene

· Nin Dhulbahante Ciideed yaqaan, dhaayin ololkeeda

· Dhangad kuma jafeen ma ahayn, dhoocil la eryoodo??

· Afartaa intaan dhalay beryahan, uga dhaliilaaya

· Ma ku dhilay dhabada maansadaan, dhiida ka higaadshay

· Waakaa dunida Reer Cali dhegaa, dhohosha nooleeyey

· Wax badan baan dhafuuqsaday naftana, idhi dhaqaaleeye

· Waa taan ku wii lagu dhayalay, dhaahiya lahaaye

· Wax ma dhimin warfaa maalintaad, dhoosha dumiseene

· Waa tay gacmaha soo dhigteen, dhiigii Maxamuude

· Dhabow garanaysaan samo waxaad, nagaga dheefteene

· Dhibna inaanu leenahay markuu, xumo dhanaanaaday

· Bal dhadhamiya waatuu dhulkii, idinla dhuubnaaye

· Afartaa intaan dhalay beryahan, uga dhaliilaaya

· Ma ku dhilay dhabada maansadaan, dhiida ka higaadshay

· Bal ma dhabade mid kalana, maan markale dhaado

· Sida adhi dhurwaa iyo habeen, dhidar hareereyey

· Dhaawaca wataa wali cashaba, dhawr la helaayey

· Durba waxaa dhakhsaha ugu godeen, waa dhugmiyo khoofe

· Markii baqe dhegalooha hadhkii, lagu dhadaababay

· Aan dhiinka kii ladan lahaa, care bal soo dhowra

· Allaa dhigay Warsame geed inaad, kaga dhaqaaqdaane

· Dhabta Jinacle waataan ku simay, dhabashlihiiniiye

· Dhanbaad uga dhacdeen muraan danbaad, nagula dhoodaane

· Dhawaaq galiya Reer Mudug koluu, qalab idin dheero

· Afartaa intaan dhalay beryahan, uga dhaliilaaya

· Ma ku dhilay dhabada maansadaan, dhiida ka higaadshay

· Bal ma dhabade mid kalana, maan markale dhaado

·

· Lib hadaan ka dheelmado qabiil, laysku dhagaroobay

· Dhiidhiina waan ugu daraa, dhaanto iyo heese

· Adigoo dhintey baa gabaygu ciil, kugu dhaqaajaaye

· Majeerteen haduu dhabarku jabay, dhidib intuu qaaday

· Dhabayaco malaha kala hadhnaye, dheeliyada raacday

· Daarood ku dhaayiyo warkaba, dhereg khabaarkiiye

· Iidoorse qaarbaa dhakane, dhaaniska u sheega

Haddii aad cid u jawaabtay Aadan Carab og tahay nala soo socodsii.

Mahadsanid

Murtiyosuugaan

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo