Nolosha aad maanta ku nooshahay waa natiijada ka dhalatay go’aannadii aad egtay shalay, sida ay doonayso in ay noqoto noloshaada berri waxay ku xidhan tahay talaabooyinka aad qaado maanta. Waxaa jira cudur si hoose oo aamusnaan ah u dhaca, kaas oo dilay riyooyin ka badan kuwa ay fashilka ama guul-darradu dishay: Waa cudurka dib-u-dhigista (Procrastination). Dhalinyaro badan oo leh hibada ugu sarraysa, garaad fiiqan, iyo hammiga ugu weyn ayaa ku fashilma in ay gaaddaan yoolal-kooda, sababtoo ah waxay aamminsan yihiin in ay haystaan “wakhti ku filan” oo ay hawsha mar kale ku qaban karaan. Subax kasta oo maanta ah waxay u beddelaan “berri ayaan bilaabi doonaa”, inta ay berri taagantahayna waxay u beddelaan “usbuuca xiga”.

Khasaaraha iyo Dhibaatada ka Dhalata Dib-u-dhigista Himilooyinka

Dib-u-dhigistu ma aha oo kaliya dib-u-dhac saacad ama maalin ah; waa laf-dhabar jab ka dhan ah mustaqbalka dhalinyarada. Wuxuu ka tagaa raadad taban oo ku baaha qaybaha yar yar ee nolosha:

1. Lumiyaha Fursadaha Waaweyn (Lost Opportunities)

Dunidu waxay ku socotaa xawaare aad u dheereeya. Fursadaha ganacsi, waxbarasho, iyo horumarinta nafta ma sugaan qofka dib u dhigta maanta wixii uu sameyn lahaa. Markaad dib u dhigto qorshahaaga, qof kale ayaa qaadaya tallaabada, riyadii aad lahayd oo dibad-joog ka tahayna wuxuu u beddelaa reallity/ dhab.

2. Dhisidda Qoomamo iyo Naftii-Eedayn

Dib-u-dhigistu waxay abuurtaa culeys dzeed oo dhiig-baxa ah. Qofku markay ka dhacdo fursaddii ama uu waqtigu ka dhaco, wuxuu bilaabaa in uu naftiisa eedeeyo. Qoomamadu waxay ka mid tahay dhibatooyinka ugu xanuunka badan ee dhalinyarada ku keena calool-xumo iyo kalsooni-darro.

3. Burburka Kalsoonida Nafta

Markasta oo aad dib u dhigto gollaha ama yool aad leedahay, waxaad sub-conscious-kaaga (hugunkaaga hoose) u diraysaa farriin ah: “Anigu ma ihi qof ka-keliya oo hawlaha dhamaystiri kara.” Tani waxay baabi’isaa kalsoonidii aad ku qabtay naftaada, waxayna kaa dhigtaa qof baqdin ka qaba bilaabidda wax cusub.

4. Dhibaatada Caafimaadka Mentaalka (Stress & Anxiety)

Hawlaha la ururiyay ama loo dhigay berri ma baaba’aan; waxay sii wadaan in ay kugu noqdaan culeys maanka ku taagga. Tani waxay dhalisaa walaac (anxiety), amakaag, iyo deggenaansho la’aan nafsiyad ah.

Xalka: “Dalbo Inaad U Talaabsato”

Sida ciwaankuba yahay, riyadu ma aha oo kaliya wax lagu riyoodo ama maanka lagu hayo; waa wax loo tallaabsado. Si aad uga baxdo wareegga dib-u-dhigista, dhaqan-galhi qodobaddan:

  • Shuruudaha Yar-Yar (The 2-Minute Rule): Tallaabada ugu horraysa ha noqoto mid aad u yar oo aadan dib u dhigi karin. Haddi aad rabto inaad qorto buug, gudo-gal inaad qorto hal bog ama xitaa hal baaraagraf maanta.
  • Xaddid Waqtiyada (Set Hard Deadlines): Yool aan lahayn waqti uu ku doonayo in uu ku idlaado waa riyo oo kaliya. Sii naftaada wakhti cayiman oo aadan dhaafi karin.
  • Ka Horgal Baqdin-da Fashilka: Dib-u-dhigista badankeedu waxay ka timaadaa baqdin laga qabo in aan loo qaban hawsha qaab “kaamil ah” (perfectionism). Ogaaw: Hawl la qabtay oo dhiman ayaa ka wanaagsan hawl kaamil ah oo aan waligeed la bilaabin.

Murtida Qoraalka: Waqtigu ma jiro meel uu ku sugo ama uu dib kuugu soo laabto. Riyadaada cid kale kugu dhisaysaa ma jirto, mana jiro waqti laga bilaabo oo ka fiican MAANTA. Haddaba, dib ha u dhigin riyadaada ee dalbo inaad u tallaabsato!

Qalinkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

error: Halkan kaga boggo