Gabay:Dhuludheer


Gabaygan waxaa tiriyey Adan yusuf Ahmed “Adan carab” geelal ay damceen in biciidyahan qaado meesha la yidhaa Dhuludheer, 1959 markay taariikhdu ahay, geelaas oo lagu dagaalamay, Abwaanku isagoo ka hadlaya sida wax u dhaceen faan iyo digasho isu raacinaya dagaalkii meeshaas ka dhacay qolye kalena ugu goodinaya waxuu yidhi.

Dhuyac balo ragii idinku furay dhamacda jiilaalka
Dhaxan iyo malay cudur marbuu dunida dhaamaaye
Dhawlkanaa waw u dhira intii aan idinku dhiibteene
Ama waranle dhiilada maqlaybaa dhaaxa iibsadaye
Dhul fogna waanba loo maray rasaas dhagax rogeediiye
maatada in dheri loo karshiyo dhuuni iyo raashin
Dharba uma safraan nimanka tagay dhoofkii cadameede

Dadkana qaar dhagweynaa ka kacay dheelalaad ahaye
Caligeri dhamaantiis isku arag dhirihii toomoode
Anana dheregnay geeridu markay dhaaftay labo raase
Dhaafkii nala socdiyo reer garaad waa is dhaarsadaye
Anagaa wixii naga dhinaa dhoobka ka tabanaynin
Dhuldheer in aad nagu gashaan cidi ma dhaadayne
Intaad timaha dhoobiyo malaas lagu dhamaajeeyo
Guutada biciidyahan dhuray baa dhoor u imanaysa
Dhadhab iyo riyey nala ahayd amase dheeldheele

Waagoo dhag yidhi aanay jirin dhuumashiyo gaadmo
In dharaar la weeraro miyaan dhudi ku faalooday
Dhabisku waxaan ku idhi in uu maalin dhiirado’e
Iyadaad nirgaha ku dhalay dhereg gubyoonayso
Oo rimayda dhega iyo mudkiyo dhinacu weynaaday
Aan kurayga dhiilka u sitaa dhaqayo maalaynin
Oo lagu dhexjiro lokal kaa dhisi ka ahaaye

Waxba lama dhabiiline la yidhi dhoobiyaa wada’e
Dhedaa na huwanayd jeer dagaal la isku dhiidhiyo’e
Dhalanteed miyaa idinka galay dhudaha aan sheegto
Ma dhalaaliyaan toban bilood idinku dhaacaayey
Ma dhalaashanaa laba bilood idinku dhaacaayey?
Goortii la soo dhacay miyaa loo Dhulbahanteeye?
Dhabihii uu qaadaba maxaa dhiig rag lagu daadshay!
Maxaa dhagaf Majeerteen ahaa dhaafka laga toogtay?
Ma dhuftaad tidhaahdeen Horweyn Dhamac kulaalaaya?
Ma nin dhimanayaa geelaya Dhaxal usoo doontey!?
Dhicis buu ahaa wali colkaad dhebenka hayseene
Malaa dhirbaaxadii bey misana dhuuni idin raacday
Ma ku-dherersigaygaa waxa dhacay idiin gaystay

Dheedi waxaan xeraadka uga dhigay dhudubna loo geeyey
Waa meel inaan uga dhashiyo dhoofka qoofalane
Dharka ubaxle dhiiqa xidhkii aad dhuxulka moodaysay
In la dhicin karaa loogu furay dhogor idiinley’e
Hadii aad talada sii dheehataan dhuuxa iyo ruuga

Dhoomaha shirshoore iyo hayaag uma dhawaateene
Nin Dhulbahante ciideed yaqaan dhaayin ololkeeda
Dhangad kuma jafeen ma ahayn dhoocil la eryoodo

Afartaa intaan dhalay beryahan uga dhaliilaaya
Ma ku dhilay dhabada maansadii aan dhiida ka higaadshay
bal ma dhabade mid hadana maan markale dhaado

Waakaa dunida reer calidhegaa dhohosha nooleeyey
Wax badan baan dhafuuqsaday naftana ini dhaqaaleeye
Waa taan ku wii lagu dhayalay dhaahiya lahaaye
Wax ma dhimin warfaa maalintii aad dhoosha dumiseene
Waa tay gacmaha soo dhigteen dhiigii maxamuude
Dhabow garanaysaan samo wixii aad nagaga dheefteene
Dhibna inaanu leenahay markuu xumo dhanaanaaday
Bal dhadhamiya waatuu dhulkii idinla dhuubnaaye

Afartaa intaan dhalay beryahan uga dhaliilaaya
Ma ku dhilay dhabada maansadii aan dhiida ka higaadshay
bal ma dhabade mid hadana maan markale dhaado

Sida adhi dhurwaa iyo habeen dhidar hareereyey
Dhaawaca wataa wali cashaba dhawr la helaayey
Durba waxaa dhakhsaha ugu godeen waa dhugmiyo sheeshe
markii baqe dhegalooha hadhkii lagu dhadaababay
Aan dhiinka kii ladan lahaa cara bal soo dhowra
Alla dhigay warsame geed inaad kaga dhaqaaqdaane
Dhabta jinacle waataan ku simay dhabashlihiiniiye
Dhanbaad uga dhacdeen muraan danbaad nagula dhoodaane
Dhawaaq galiya reer mudug koluu qalab idin dheero

Afartaa intaan dhalay beryahan uga dhaliilaaya
Ma ku dhilay dhabada maansadii aan dhiida ka higaadshay
bal ma dhabade mid hadana maan markale dhaado

Lib hadaan ka dheelmado qabiil la isku dhagaroobay
Dhii dhiina waan ugu daraa dhaanto iyo heese
Adigoo dhintey baa gabaygu ciil kugu dhaqaajaaye
Majeerteen haduu dhabarku jabay dhidib intuu qaaday
Dhabayaco malaa kala hadhnaye dheeliyada raacday
Daarood ku dhaayiyo warkaba dhereg khabaarkiiye
Iidoorse qaarbaa dhakane dhaniska u sheega

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo